OPINION

700 Habeen Talaabooyinka Xukuumaddu Qaaday iyo Talada keliya ee aan Lagula socon Q. 1-aad

Dhumucda Maaliyadda, Dhiirranaanta Siyaasadda Gudaha iyo Dibada, Dhammaystirnaanta Waxbarashada, Dhababacda Ciyaaraha, Dhowrsanaanta Caafimaadka iyo Garsoorka

W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi) Xuskurdi@gmail.com 4491178

Muddo labo Sannadood ah ayaa laga joogaa markii ay Xilka la wareegtay Xukuumadda ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye ee maanta Xafiiska joogta, waxana aynu Qormadeenan gaaban ku eegi doonaa qaybo ka mid ah Talaabooyinkii laga sii qaaday halkii xiligaas la taagnaa mudadaas aynu kor ku xusnay . inagoo qormadeenan maanta ku eegi doona Dhinaca Wasaaradda Maaliyada.

Xukuumadda Somaliland oo xafiiska tirsatay xilli uu jiray caajis dhaqaale oo haystay Khasnadda Dawladda ayaa ugu horayn waxay awoodda saartay inay bixiso daymo lacageed oo gaadhayey Afartan Milyan oo Doollar oo ahayd hanti ay shirkado iyo shaqsiyaad kala duwan ku lahaayeen xukuumadii xafiiska wareejisay. iyo shaqaalaha iyo ciidamada oo mushaharooyinkoodii lahaa muddo Afar bilood ah.

Intaa ka dibna waxaa la bilaabay horumarintii dhinaca dhaqaalaha ee la sugayey, waxaana Xukuumaddu qaaday in hoos loo eego nolosha shaqaalaha iyo Ciidamada iyadoo 100% loo kordhiyey mushaharooyinkii, Misaaniyad sanadeedka Dawladda ee 2010 oo xiligaa ahayd Konton Milyan oo Doolar ayaa sanadkii xigay ee 2011 la gaadhsiiyey Boqol Milyan, isla sanadkii labaad ee Xukuumada ayaa mar kale Miisaaniyada sanadeedkii Qaranku waxay cagacagaynaysaa qiyaastii Boqol iyo Konton Milyan oo Doollar. Waxaa Gobolka Togdheer iyo Deegaanada ku xeeran laga bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd ee Shilin Somaliga.

Waxaa mudooyinkan dambe la sii hagaajiyey nadaamkii dakhli ururineed oo hirgeliyey in Ganacsatada, Beeraleyda iyo dhamaan bulshadu ay cashuuraha ku bixiyaan si Wadaniyadi ku dheehan tahay.Waxaa la hagaajiyey hanaanka Kastamada, waxaana dhaqaalahii kordhay sababay in dhismayaasha wasaaradaha Hay’adaha Dawlada lagu kordhiyo dhismayaal casri ah, kuwo xukuumadii hore qabyo ka ahaana la dhamaystiro ,Qalabayn xafiisyada ah iyo gadiidkii oo loo kordhiyey.

shaqooyin hor lehna loo abuuro kumanaan muwaadiniin ah,Waxaana Xukuumaddu shubtay lacagtii 25% ahayd ee xukuumadda kaga soo hagaagtay dhaqaalaha lagu qabanayo doorashada Dawladaha Hoose ee Somaliland, lacagtaas oo gaadhaysa ilaa Labo Milyan oo Doolar waxaa lagu wareejiyey Gudida Doorashooyinka ka hor intii aanay iyana intoodii keenin wadamada deeq bixiyayaasha ee taageera doorashooyinka Somaliland. waxaana la sii labanlaabay tirada dadka waayeelka ah ama loo arko inay dalka Xaq ku leeyihiin ee dhaqaale ahaan xanaanadooda xukuumaduhu bixiyaan. sidoo kalena Xukuumadu waxay qaybteeda ku lahayd dhaqaalihii lagu taageeray dadkii ay sida xun u saamaysay macaluushii ka dhalatay abaartii sanadkii 2011 ku dhufatay Gobolada Koonfur/Galbeed ee dalka aynu deriska nahay ee Somalia.

Arrimahani waxay Wasaaradda Maaliyadda e JSL u hirgalayaan xilli ay dunida ka taagan tahay dhibaatada dhaqaale ee caalamiga ah taasoo sababtay in Wadanka Maraykanku uu xilli ka mid ah labadan sanadood iska bixin kari waayo daymaha gudaha ee lagu lahaa, wadamo badan oo reer Yurub ahna ay la tabaalaysan yihiin caajis fuulay miisaaniyadahooda sida Talyaaniga, Ireland, Greek, Spain iyo kuwo kale, sidoo kalena saamaynta ay dhibaatada dhaqaale ee caalamiga ahi ku yeelatay dalka isutagga Imaaraatka Carabta ay keentay in dib loo dhigo midowgii lala doonayey Lacagta wadamnada iskaashiga khaliijka.

Inkastoo hadaba Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale uu meesha ka saaray werwer ay shacabku ka qaadeen Xil ka qaadistii Wasiirkii Hore ee Wasaaradaas Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo kobcintii dhaqaale ee Dawladu uu si xawli ah ku sii socdo ayaa Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo markuu xilka tirinayey uga mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland fursadii uu u siiyey inuu dadka reer Somaliland tuso inaan dalku Faqiir ahayn ayaa hadana xil ka qaadistiisii waxay u muuqatay inay ahayd talaabadii keliya ahayd ee Bulshada Somaliland badankeedu aanay kula socon Xukuumadooda, iyadoo xitaa Wasiirka bedelay uu munaasabadii xil la wareegistiisii ka sheegay inuu ka xun yahay inuu noqdo qofka lagu bedelay Eng Maxamed Xaashi, xilli aan meesha laga saari karin in go’aankaas ay ku dheehnayd miisaan loo samaynayey xilalka ay xaafad reer Somaliland ahi ka hayn karto Xukuumad maalintaa jirta.

La soco,,,,qeybta labaad


TOP