‘Waxaan rajaynayaa in UDUB ku soo baxo ka koowaad ama labaad Doorashada deegaanka’

‘Intii UDUB Mabda’eeda aaminsanayd way ku sugan tahay, isaguna wuxuu qaatay go’aan fiican’

“Khilaafku Anigoo maqan ayuu bilaabay, intii talladayda diidanaydna waxay ku kala biireen xisbiyo”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inuu rajaynayo in xisbiga UDUB uu kaalinta koowaad ama labaad ka geli doono tartanka doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28-ka Bisha November ee sanadkan.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa oo uu ku iclaaminayay in shirweynihii golaha dhexe ee xisbigaasi qabsoomi doono 27-ka bishan Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaanu xubnaha golaha dhexe ku war-geliyay inay 25-ka bishan yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga.
Md. Rayaale waxa uu sheegay in shirkan ay ka soo bixi doonaan qorsheyaal lagu dar-dar gelinayo xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay aabihii iyo Hooyadii dimuqraadiyadda Somaliland.

“Xisbigan oo ahaa aabihii iyo hooyadii dimuqraadiyada ka hirgeliyay dalkan, waxaan leeyahay dhammaan shacbiga Somaliland inay muujiyaan taageeraddii ay u hayeen xisbiga UDUB. Waxaana shirkaasi ka dib todoba maalmood gudahood aanu dhamaystiri doonaa murashaxiinta xisbiga ee degmooyinka dalka oo dhan,”ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyaha UDUB oo la weydiiyay inay shirweynaha Golaha dhexe u qabanayaan dhammaan garabyadii xisbiga oo dhan maadaama khilaaf dhacay iyo in taageereyaashiisii oo qudhi iskugu iman doonaan, waxaanu ku jawaabay “Horta Marka u horeysa markii hore sadex xisbi ayaa dalka ka jiray, maantase sagaal urur ayaa lagu tartamayaa. Ururadani markaan runta idiin sheego sadexdii xisbi ee hore uun bay ka farcameen. Shirkan UDUB inta saaxiibul mabda’a ah ee ku soo hadhay ayuun baa loo qabanayaa.”

Daahir Rayaale waxa uu soo dhaweeyay goo’aankii uu xilka xisbiga UDUB iskaga casilay Guddoomiye Kux igeenkiisii oo sheegay inuu guurtida gelayo, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa inuu go’aan fiican qaatay, maadaama oo raggii uu kaxeeyay oo dhami xisbiga ka tageen. Guurtidana isna wuu ku jiraa aniguna waan ku jiraa oo madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeenba way galayaan markay xilka ka dagaan.”

Guddoomiyaha UDUB oo la weydiiyay waxa uu ku qancinayo dad ku eedeeya inaanu iska xil saarin furdaaminta khilaafkii xisbiga, waxaanu yidhi “Horta Khilaafka anigu maan abuurin ee anigoo maqan ayuu bilaabmay. Waxaan u imid inaan khilaafka dhameeye intii badnayd talladaydii way raaceen. Xoogaa talladayda diidanaana inay xisbiyo kale ku kala biireen waad ogtihiin. Taasina waa caadada xisbiyada oo waa la kala tagaa. Waad ogaydeen inuu KULMIYE bari Burco ku kala tagay intii xaasilka ahayd ee mabda’a aaminsanayd ayaa soo hadhay.”

“ UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd way ku hadhay, rajada aan qabaana waxa weeye xisbi lagu xasuusto waxqabadkiisii, ummadda reer Somaliland-na taageero weyn ayay siinaysaa. Waxaan rajaynaynaa in xisbiga UDUB uu ku soo baxo ka koowaad ama labaad ee ku soo baxa sadexda xisbi qaran,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UDUB.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP