Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay Xog ururin ay ku darsayaan tabashooyinka ka taagan Garsoorka

Hargaysa (Somaliland.Org):- Guddidii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay in ay baadhitaan ku soo sameeyaan cadaalad darro la sheegay in ay ka jiraan garoorka dalka, ayaa shalay kulan la yeeshay xubno ka mid ah hay’adaha guddida cadaalada.

Wasiirka cadaalada xuseen Axmed Caydiid, oo afhayeen u ah guddidaasi uu madaxweynuhu magacaabay oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo ku suagn magaaladan Hargaysa, ayaanu wax ka weydiinay kulankaasi la sheegay in ay la yeesheen xubno ka mid ah hay’adaha guddida cadaalada iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen.

Waxaanu yidhi “Xubno ka mid ah guddida hayada cadaalada ayaanu maanta (shalay) kulan kulan kula yeelanay xaruntooda magaaladan Hargeysa, waxaanu ka waraysanay sida wax loo toosin karo arrintaasina waa mid la doonayo, maxaa dhaliilo ah ee garsoorka ka jira iyo iyo maxaa lagu sixi karaa, taasina waa hawshii ay guddida cadaaladu u xilsaarnaayeen, ta laga cabanayaana waa shaqadoodii.”

Xuseen Axmed Caydiid waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay maxaa dhib ah ee jira iyo maxaa dhaliilo ah ee jira, iyo maxaa lagu sixi karaa ee aad talo ka haysaan, arrimahaas ayaanu iska waraysanay si guud iyo si gaar ahba”. ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kale oo aanu wasiirka weydiinay xilliga ay guddidoodani soo gaba gabaynayaan hawlaha baadhitaanada ah ee ay ka wadaan hayadaha cadaalada, waxaanu sheegay in markaa ay warbixinta dhabta ah helaan ay soo gabagabayn doonaan.
Waxaanu yidhi “Weli hawshu way noo socotaa marka aanu isnidhaahno warbixintii oo baanaa iyo taladiiba waad urursateen, ayuu baanu soo dhamaynaynaa.”

Sida laga warqabo madaxweynaha Somailand ayaa dhawaan magacaabay guddi isugu jirta wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan hayadaha dawlada qaarkood, kuwasi oo uu u xilsaaray in ay soo darsaan baadhitaano ku soo sameeyaan cabashooyinka shacabka ee ku waajahan cadaalad darrooyin la sheegay in ay ka jiraan garsoorka dalka.

Waxaanay guddidaasi uu madaxweynuhu magacaabay kulankoodii labaad shalay la yeesheen xubno ka mid ah guddida cadaalada qaranka, iyaga oo kulamo gooni gooni ah kala yeeshay hay’adaha guddida cadaalada sidii arrimahaasi cabashooyinka ah ee ay shacabku ka muujiyeen nidaamka garsoorka dalka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP