‘Cadaalad darro dalka kama jirto, cadaaladu meel fiican ayay maraysaa..’

Hargaysa (Somaliland.Org):- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku waajahan dhaliishii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhawaan u jeediyay hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, ayaa ku dooday in cadaalada wadanku ay meel fiican marayso, wax cadaalad darro ahina aanay ka jirin, isaga oo tilmaamay in go’aan kasta oo maxkamad ka dhaca nooca aanay dadku markasta ku wada qancin isla markaana ay cid uun wax ka tabato.“Cadaalad darro dalka kama jirto, cadaaladu meel fiican ayay maraysaa, boqolkiiba boqol wax lama wada sixi karo, go’aan kasta oo maxkamad ka dhaca dadka ma wada raali geliyo cid uun baa wax ka tabata oo tidhaahda cadaalada darro ayaa la igu sameeyay, maxkamadduhuna way kala sareeyaan”.

Waxa kale oo aanu guddoomiyaha wax ka waydiinay sida uu u arko gudida uu madaxweynuhu u magacaabay in ay baadhitaan tabashooyinka la sheegay in ay ka jiraan garsoorka dalka dalka, waxaanu yidhi “Arrintaa in aan ka hadlaa imika ma haboona, guddidaa uu madaxweynuhu soo dirana natiijadeeda iyo go’aankooda ayaa la sugayaa oo kama hordhacayo.”

Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu sheegay in sida keliya ee lagu sixi karo laguna qancin karo qof ka go’aan maxkamadi qaaday cabasho ka keenaa in ay tahay iyad aoo la maro hab sharci a, waxaanu yidhi “Cabashooyinkaasina waxa lagu saxaa uun in hab sharci ah la raaco, oo anbiil la qoro ilaa maxkamada u sarasa go’aankeeda la gaadho.”

Waxa kale oo aanu guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland wax ka waydiinay khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyo isaga iyo wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu guddoomiyhu sheegay in aanu jirin khilaaf shaqsi ah oo u dhexeeya isaga iyo wasiirka, balse ay ku kala aragti duwan yihiin cida hawlaha ku haboon “Waxba kama jiraan khiaafkaasi aad sheegayso, kulano aanu ku kala kacnayna ma jiraan aniga iyo wasiirku, khilaaf shaqsi ah o dhexeeyaana ma jiro, garsoorkuna waa garsoor, isna waa wasiirkii cadaalada, cida hawlaha ku haboon ayuun buu qofba si u arkaa”. ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Waxa kale oo aanu guddoomyaha maxkamada sare wax ka weydiinay kulano la sheegay in ay shalay la yeesheen guddida cadaalada xubno ka mid ah guddida uu madaxweynuhu dhawaan u soo magacaabay in ay baadhitaan ku soo sameeyaan tabashooyin la sheegay in ay ka jiraan garsoorka dalka, waxaanu yidhi “Anigu kulankaasi kamaan qayb gelin imana khusayn, xubnaha wasiirada ah ee uu madaxweynuhu magacaabay ayaa waraysanayay guddida cadaalada oo ay kulamo gooni gooni ah la yeelanayeen.”

Yuusuf Ismaaciil Cali guddoomiyaha maxkamada sare ayaa u soo jeediyay cidii cadaalad darro ka tabanaysa go’aan maxkamadi qaaday in ay dariiqa sharciga ah u maraan tabashadooda, iyaga oo raacaya xeerarka dalka u yaalaa “Waxaan u soo jeedin lahaa dadka cadaalad darrada sheegaynaya in ay dariiqa sharciga ah u maraan, ee go’aan maxkamadeed wax ka tabanaysa, sharciga ayaa tilmaamaya sida loo maamulayo iyo sida lagu suulin karo, markaa tabashadooda ha u soo bandhigaan qaraanada iyo maxkamadaha, iyaga oo maraya raacaya xeerarka wadanka u yaalla.”

“Wixii tabasho guud ahna guddida cadaalada, ayaa u xil saaran oo wax ka qaban doonto, laakiin haddii ay meel aan meeshii sharciga ahayd aan ahayn la maraan waxa ay noqonaysaa uun arrin la qaloociyay.”ayuu yidhi Yuusuf Ismaaciil Cali.


XIGASHO: WARGEYSKA MADAXA BANAAN EE DAWAN


TOP