Xisbiga UDUB Oo Bedelay Hanaankii ay u xulan jireen Murashaxiinta deegaanka
Hargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo beryahan dambe uu hagaasiyay khilaaf ka dhex oogan Guddoomiyaha Xisbiga UDUB iyo Ku xigeenkiisa Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, caawa soo saaray go’aan ay ku wargeliyeen Guddoomiyeyaasha gobolada dalku inay soo xulaan isla markaana diwaan geliyaan murashaxiinta xisbigaasi muransan uga qeyb geli doona tartanka doorashooyinka deegaanka ee loo cayimay inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha November 2012-ka.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse, waxa lagu faray Guddoomiyeyaasha gobolada dalka inay diiwaan geliyaan murashaxiinta doorashada deegaanka ee deegaamadooda.
Waxa hore dhaqan joogto ah u ahaa xisbiga UDUB oo soo xuli jiray murashaxiinta u taagan doorashooyinka deegaanka iyo Wakiiladda Hoggaanka sare ee xisbigaas, hase yeeshee arrintani waxay muujinaysaa in Hoggaanka UDUB uu quus ka joogo inuu ka mid noqdo sadexda xisbi qaran ee ka soo baxi doonta doorashada deegaanka.
“Waxa lagu wargelinaynaa dhammaan Musharixiinta Golaha Degaanka ee Xisbiga UDUB ciddii aan wali is diiwaangelin inay si deg-deg ah ula xidhiidhaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobolada JSL,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
Qoraalkaasi waxa uu intaasi ku daray “Guddoomiyeyaasha Goboladana sidii hore loogu wargeliyay waa inay dhammaystiraan xubnaha musharixiinta G/Degaaanka looga baahanyahay Degmooyinka Gobolada mudada ka horreysa shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ku qabsoomi doona Magaalada Hargeysa 25-ka August, 2012.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

