Badhasaabka Sool oo Tafaasiil Ka Bixiyay Khasaare ka dhashay qarax ka dhacay Laas-caanood

Laascaanood (Somaliland.Org)- Koonfurta Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, ayaa qarax lala beegsaday Booyad biyood oo nin shacab ahi leeyahay, sida uu shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay Badhasaabka gobolkaas Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare).

Badhasaabka oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay waxa uu tafaasiil ka bixiyay qaraxan lala beegsaday Baabuurka Booyadda ah oo uu tilmaamay inaanay wax khasaare nafeed ahi ka dhalan.

“Waxa maanta Baabuur Booyad ah oo nooca shaamboo xayraanka loo yaqaano ah oo uu leeyahay nin shicib ah oo ku sii socotay ceelasha biyaha ayaa Babmo loo dhigay wadada dhinaceeda ka dibna markii ay ag maraysay ayaa rimuud lagu qarxiyay,”ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool.

Badhasaabka waxa uu tilmaamay inay qaraxan ka badbaadeen raggii booyadaasi saarnaa isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Raggii Booyadda saarnaa waxba ALLE kuma yeelin falkaasi cadowtinimada ah ee lagu waxyeelaynayay dadka shicibka ah.”

“Waxase khasaare laxaad lihi soo gaadhay oo Burburay Baabuurkii oo waxyeeloobay,”ayuu yidhi Maxamed Maxamuud.
Mr. Jeeniyare waxa uu intaasi ku ladhay “Falkan waxa markiiba ciidamada ammaanku u soo qabteen dhawr qof oo tuhuno galeen oo hawshii baadhistoodu socoto.waxaanan halkan ka cambaaraynayaa falkaasi foosha xun, waxaana aan u soo jeedinayaa dadweynaha inay maamulka gobolka iyo ciidammadda ammaanka kala shaqeeyaan dadka nabad-gelyo darada ka abuuraya magaalada xiligan oo lagu gudo jiro dabayaaqadii bishan barakaysan ee Ramadaan.”

Badhasaabka oo aanu weydiinay inay cid u qabteen Xisaabiyihii gobolka Sool oo dhawaan lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Makhrib, waxaana uu tilmaamay inay hawshii baadhista kiiskaasi ay wadaan oo ay meel wanaagsan u marayso.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP