Madaxweyne Siilaanyo oo David Cameron ku ammaanay kaalintii ay galeen Tartankii Olymic-ga 2012

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa shalay dhambaal hambalyo ah u diray Ra’iiisal Wasaaraha Britain Mudane David Cameron isaga oo ku bogaadiyay sida dalkiisu u maamulay tartanka ciyaaraha Olympic 2012 kaas oo ku qabsoomay London, dalweynaha Britain.

Madaxweynahu waxaa uu farriintiisa ku sheegay “ Aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaaliland waxaan kugu hambalyaynayaa adiga iyo dalkaagaba sida guusha ah ee aad u maamusheen tartankii Olympic 2012 kaas oo ku dhammaaday ruux ciyaartoynimo iyo si nabad ah.”
“Waxaad muujiseen jawi iyo saaxad si walaaltinimo leh loogu tartamayo, isla markaana, waxaad meesha ka saarteen cabsi kasta oo ka iman kartay falal argagaxiso iyo fursad kasta oo lagu waxyeelayn karayay munisibadan qaaliga ah.”

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu intaas ku ladhay, “waxaa aan ku faraxsan ahay in aan xuso, xukuumadayda iyada oo ay iskaashanayaan hay’adaha nabadgelyo ee Britain in aan gacan ka gaysanay sidii loo xakamayn lahaa cabsida nabadgelyo ee ku hareeraysnayd tartanka Olympic 2012.”
Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu diirsaday orodyahanka Mo Faarax oo asalkiisu ka soo jeedo Somaaliland guulahii uu ka soo hooyay orodada 5,000m iyo 10,000m.

“Farxadda guusha Mo Faarax oo si siman looga dabaal degay Britain iyo Somaaliland, waxaa ay muujinaysa xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeya labada dal,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Isaga oo ku ladhay “Billadaha dahabka ah ee uu ku guulaystay Mo faarxa ayaa uu ku mutaystay in uu halyay ka ahaado labada dalba iyo in labadeenna dalba fursad u helaan in ay madaxa kor u taagaan.”

Ugu danbayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo) waxaa uu u mahadnaqay dalka Britain isaga oo ku amaanay taageerada ay siiyeen mid ka mid ah wiilashooda taas oo la;aanteed aanays uurtagal noqoteen in Mo Faarax uu tiigsado maqaamka uu maanta taagan yahay. Sidoo kale Madaxweynahu, waxaa uu sheegay Mo Faarax in uu tilmaan ku dayasho leh u noqon doono dhallinyarta Somaaliland si ay u bar tilmaamsadaan maqaamka halyaygaa ay isku duruufta ahaayeen,

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP