Wasiirka Ciyaaraha oo soo indho-indheeyay Tartamo ka socda Garoomadda Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa kormeer ku soo maray garoomada kubada cagta ee caasimada Hargaysa oo ay ka socdaan tartanka kubada ee bisha barkaysan.

Kormeerkani Wasiirka ayaa waxa ku wehelinayay Agaasimayaasha Guud ee wasaaaradaha dhalinarada iyo ciyaaraha Mustafe Maxamud Qodax ,Iyo Kalmuuyasiga Maxamed Aadan Cilmi iyo masuulinyiin ka tirsan waraada dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Kormeerkani ayaa waxa ay ka soo bilaabeen Wasiirka iyo Xubnaha la socday garoonka tereediska ee magaalada hargaysaa halkaasi oo tartanka rabaadaantu uu marayo maraxaladii kama dambasta ee loogu baxayay fanalka amase gabo gabada. Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay ciyaartoogii labada kooxood ee maanta wada ciyaarayay ayaa ku booriyay sidii ay u ilaalin lahaayeen anshaxa suuban ee lagu yaqaan bah’da Ciyaaraha iyo sidii ay horumar uga samayn lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee xirfada u ah.

Sidoo kale waxay Mas’uuliyiintani soo kormeereen garoonka hargaysa stadium oo ciyaar xiisabadani ka scotay halkaasi oo wasiirka ay masuuliyiinta garoonkaasi ay uga warbixiyeen qaabka uu u scodo tartankani iyo in ciyaariihii kama dabaysta la marayo faynalkii gabagabada ahaa isla markaana ay isugu soo baxeen kooxihii galabta wada ciyaarayay.

Gabo gabadadiiina waxa uu Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha ee Somaliland uu soo maray garoomada guryasamo iyo garoonka xawaadle isagoo warbixin ka dhagaystay kooxaha ciyaaraha ku guda jira isla markaana uu ku booriyay inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com


TOP