Qoyska Mo Farah Oo U Dabaal-degay Guusha Uu Ka Gaadhay Ciyaaraha Olympic

Gabilay (Somaliland.Org)- Guusha Oradyahanka heerka calami, Mo Farah ka soo hooyay ciyaaraha Olampic 2012 ee magaalada London lagu soo gabo-gabeeyey, ka sokow damaashaadka dalka Ingiriiska ee uu u tartamayey waxaa sidoo kale guulahii isdaba jooga ahaa ee Mo farah ka soo hooyey orodka 10,000m iyo 5000m looga damaashaadey oo laga soo dhaweeyey guud ahaan gobolada dalka Somaliland gaar ahaan gobolka Gabiley oo ah deegaanka Mo Faarah ku dhashay isla markaana ay ku dhaqan yihiin qoyskooda Hooyadii, Walaaladii iyo adeeradii Wadada Godka.

Qoyka Mo Farah oo xoolo dhaqato ah oo degan degaanka lagu magcabo Wada Godka ee gobolka Gabiley ayaa shalay subax ku dabaal dagayey farxad damaashaad guusha Mo Farah ka soo horey tartankii orodka olombiga 2012 oo ay kala socdeen shaashadaha.

Hooyo Caasha Wayrax waa hooyada dhashay Mo Farah oo dareenkeed wax laga weydiiyey xigii ay daawaney wiilkeeda Mo Farah xiligii ordayey ayaa sheegtay inay ahayd sidii qof la’ordaya oo kale islamarkaana ay aad ugu farax sanatahay guusha inankeeda, waxaanay tidhi “Hooyo Caasha Weyrax, “ Aduunyada ilaahay inaan duulayo mooyaane ma dadbaad ila maseyneysayba, kolkaa aad ayaan ugu faraxsanahay dadkooda oo dhan ayaana ku faraxsan, Somaliland oo dhan ayaa ku faraxsan.”

Hooyo Caasha Wayrax waxaanay sheegtey in Mo Farah yaraantii uu aad u firfircoonaa ila markaa uu ahaa wiilka caruurteeda ay ugu jeceshahay.

“Aad iyo ad ayuu u fir-fircoonaa wax aliyo waxaan dhalay wuu ka firfir coonaa, kolkiiba wuu sara kacay kolkiiba wuu roorey koliiba kubadii ayuu qaadey oo orodkii ayuu qaadey kolkaa aad iyo aad ayuu uga firfircoonaa oo uu uga dadnimo fiicnaa wuu sharaf fiicnaa” ayey tidhi Hooyo Caasha Weyrax.

Faysal Faarax waa Mo Farah walaalkiisa ka weyn oo dareenkiisa ku aadan guusha walaalkii waxa uu sheegay in uu aad u gu faraxsan yahay isaga iyo qoyskooduba iyo guud ahaan dadka reer Somaliland.

Oradyahanka Ingiriiska ah islamarkaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa habeenkii Sabitiidii ku guuleystey bilada Dahabka ah ee 5000m isagoo horena ugu guuleystey Bilada dahabka 1000m, waxaana uu noqdey oroyahankii ugu horeeyey ee Biritish ah ee tartnka orodka dheer ku guuleysta. Joornaalada dalka Ingiriiska ka soobaxa ayaa gabi ahaantoodba qorey guusha Mo Farah.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP