Magaalada Buuhoodle Oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyay Weftigii Xaglo-toosiye
Buuhoodle (Somaliland.Org)- Weftigii uu Hoggaaminayay siyaasiga weyn iyo Guddoomiyihii Ururkii SSC Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle oo uu ka soo jeedo.
Waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Boqolaal qof ooo ka mid ah bulsho-weynta ku dhaqan magaalada Buuhoodle ayaa weftiga si diiran ugu soo dhaweeyay duleedka magaaladaasi. Waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen nabadda ay isla qaateen Xukuumadda iyo weftigii Saleebaan Xaglo-toosiye.
Waxa kale oo ay taageereen maxaabiistii lagu qabtay dagaaladii hore ee dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo cafiska ku sii daayay oo tiradoodu dhamayd 68 Maxbuus.
Dr. Saleebaan Ciise Axned Xaglo-toosiye oo hadal u jeediyay dadweynihii Buuhoodle ku soo dhaweeyay ayaa uga xog-waramay kulamadii nabadda lagu gaadhay ee uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa.
Saleebaan wuxuu sheegay inay nabad aan shuruud lahayn la soo galeen xukuumadda Somaliland, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Buuhoodle inay nabadaasi ilaashadaan kuna faro-adaygaan.
Waxa kale oo uu tilmaamay in tallaabadii aaga Buuhooodle lagaga qaaday ciidamadii qaranku ay qeyb ka ahayd heshiis taariikhiya oo uu la galay xukuumadda Somaliland oo uu uga mahad celiyay siday uga aqbashay qodobadii ay kala hadleen.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
