Xawaaladda JUBO Express Oo ka Xoog warantay Adeegyadeeda Ganacsi ee ay qabato

Hargaysa(Somaliland.Org) – Maamulaha Xawaaladda JUBAEXPRESS EXPRESS Mudane Cabdi Salaan Xasan ayaa sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay shirkaddani u noqon lahayd mid Caalami ah.oo dunidoo dhan ka shaqeysa waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi aanu kula yeelanay Barnaamijka ganacsiga ee shabakada wararka ee Somaliland.Org.

Maamulaha xawaaladda JUBAEXPRESS Cabdi Salaan oo aanu ugu horreyn waydiinay bal inuu faahfaahin ka bixiyo taariikhda shirkadda la aas aasay iyo sababihii loo sameeyey waxa uu ku jawaabay.

waxa la asaasay sannadkii(2011) bishii febuary,waana shirkad xawaaladeed oo ka mida shirkadaha caalamka ka shaqeeya ee lacagaha caalamka u kala gudbiya. Markaa ujeedada loo asaasayna waxa weeyey ganacsi, maadaama ay bulshadeena qayb badan oo ka mid ahi ay ku dhaqan yiin daafaha dunida oo ay qurbo joog yihiin, xidhiidh wanaagsanna ay la leeyihiin dalka oo ay ka qayb qaataan horumarinta dalkooda isla markaasina ay dadkeenu %100)ay ku xidhan yihiin dhaqaalaha dibadda.

Geesta kalana, intii xawaaladdu jirtay waxay sameysay guulo iyo horumar ballaadhan oo ay ka mid yihiin iyadoo noqotay shirkad caalami ah oo haysata sharciga ama liisanka waddamada reer galbeedka sida Maraykanka iyo Yurub. Waxaannu wada shaqayn leenahay hay’ado iyo shirkado caalami ah,” ayuu yidhi Mr. Cabdi Salaan
Maamuluhu waxa uu sheegay in hadda la xoojiyey shirkadda, waxaannu yidhi,“Beryahanba waxa la waday sidii shirkadu u sii horumari lahayd ee ay u noqon lahayd mid dunida oo dhan ka shaqaynaysa,
Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd noocyadda adeega ay shirkaddan JUBAEXPRESS ,ay bulshadda u qabato waxa uu yidhi. ‘’ runtii adeegyadda aanu qabanaa way badan yihin laakiin waxay ka kooban yihiin sadex nooc oo kala ah sidan.
1:Adeega xawilaadda lacagta guddo iyo dibaddaba .
2:adeega sarifka lacagaha qalaad.

Mr Cabdi Salaan :oo aanu waydiinay inta meelood ee ay shirkaddoodu ka hawl gasho waxa uu ku jawaabay.’’waxay shirkadda yadu si buuxa uga hawl gashaa guddaha dalka oo dhan iyo goboladda dhammaan,waxa kale oo taa noo sii dheer in shirkada JUBAEXPRESS ay badiba ay xafiisyadeedu ka furan yihiin dalka dibaddiisa ayna noo joogaan ku dhawaad koton wakiil (50)iyaddoo markastana aanu shirkadd ahaan dadaal ugu jirno sidii aanu u sii kordhin la’hayn dadaalka iyo hadafka aanu hiigsanayno ,Mudane Cabdi Salaan .isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi.wadamadda dunidda intooddo badan adeegan shirkaddu, ee xawilaadu waa uu ka shaqeeyaa xafiisyadayaduna si toosa ayey uga furan yihiin.

Mr Cabdi Salaan .oo aanu waydiinay su’aal la xidhiidha in ay jiraan wax yaabo ay shirkad ahaan kaga duwan yihiin shirkaddaha kale ee la midka ah waxa uu ku jawaabay sidan. ‘’shirkadaha Xawaaladuhu guud ahaan adeega ay qabtaan waa kuwo isku midda waana adeeg ka kooban,lacag diris iyo lacag qabasho laakiinse waxa mihiima in marba hadii ay shirkaddu tahay Xawilaad ay yeelato dag dag siimo aaminaad iyo daacadnimo isla markaasina ku ta xaluqa adeeg yadda ay bulshadda u hayaan.
Waxaan aaminsanahay in shirkaddayadu leedahay sadexdaa shay ee aan soo sheegay kana mid tahay kuwa lagu majeerto shayaddaasi,way jiraan qaar kaloo leh adeegyadaasi,laakiin markasta oo ganacsigu uu soo bataba waxa sii kordha adeega Xawilaadda lacagaha,sidaa daraadeed maanta dunidda ganacsiga Xawaaladahawaxa xukuma oo ay faa’iido ku helaan qaabka ay ugu xidhan yihiin bulshadoodda.

Mr:Cabdi Salaan Mar la waydiiyey su’aal la xiidhiidha bal iney shirkad ahaan iyagu dalka dib wax ugu celiyaan waxa uu tilmaamay. “Shirkada JUBAEXPRESS mar walba waxay heegan u tahay inay ka qayb qaadato horumarinta dalka iyo dadkaba waxaanu door wayn ka ciyaarnaa taakulada iyo caawimooyinka dalkayaga hadii ay tahay caafimaadka ama hadii ay tahay waxbarashada iyo hadii ay tahayba dhinaca wadooyinka. sidoo kale waxay shirkadu door mug leh kaga jirtaa waxyaabaha loo yaqaano (SoicalLife) horumarinta arimaha bulshada.”

Mar la waydiiyey su’aal ahayd bal inay noo sheegaan kaalinta ay kaga jiraan shaqa abuurista bulshada Somaliland,waxa uu yidhi.”runtii shirkada JUBAEXPRESS waxay kaalin mihiima oo muuqata ayey kaga jirataa dhinacaa aad tilmaantay ee shaqa abuurista bulshada,sida aynu la wada soconana shaqa la’aantu waa mushkilada ugu wayn ee dalkeena ka jira ama bulshadeena haysta,markaa shirkad waliba horta intay leegtay ayey ku xidhan tahay shaqaalaha ay qaadaneysaa markaa shirkad kastaaba taagteeda qaadaneysaa markaa anagu JUBAEXPRESS ahaan waxaanu is leenahay runtii kaalin muuqata ayaad kaga jirtaan shaqo abuurista dalka iyo dadkaba Mr.cabdi salaam xasan
Mr Cabdi Salaan ma jiraan wax aad isleedahay way ka dhiman yihiin xaga shuruucda ganacsiga.waxa uu yidhi. “Haa dhinaca shuruucda wax badan ayaa ka dhiman khaasatan dhanka wasaaradda Maaliyadda oo waxbadan dhinac marsan sidii luugu tala galay inay u shaqayso oo ahayd inay dadka baayaca mushtarka inay si gaara ugu adeegto.

Maxaa yeelay Aduunka intiisa badan marka Alaabada la soo dajisanayo lacagta kastamisku qaali maaha,laakiin halkan marka aad alaab keento oo aad isleedahay dadka jabnaan kaga iibi oo waxbadan ha saarin,ayaa waxa dhacda dalkeena in Alaabtii aad sidatay in laguugu cashuuro intii aad ku soo iibsatay,taasina waxay kugu kalifaysaa inaad dadkii adiguna kaga iibiso wax aad u qaaliya taasina waxay sabab u noqonaysaa in dalkii uu sixir bararka dhaco,
Markaa waxaan u soo jeedin lahaa wasaaradda maaliyadda inay sidaa wax ka badasho.

Mr:Cabdi Salaan ma jiraan wax caqabado ah oo aad la kulantay mudadii aad shaqadan bilaabay,waxaana uu yidhi. “Runtii haa waan la kulmay waliba tu aad u badan waxaanka mid ahaa,1:in marka hore niyad jabin lagugu sameeyo waxbaa laga yaabaa inaad istidhaa bilaw aad adigu u aragto inuu si wanaagsan u saqayn doono markaasaad is odhanaysaa kala tasho dadka waxay kuugu jawaabayaan waar waxan aad wadaa maaha mid soconaya,2:waxa kaloo ka mida markaad doonaysid inaad sharciga samaysato sida liisanka iyo wixii la mida oo wakhti badan kugu qaadanaya sidii aad u heli lahayd 3:maanta waad ogtiino ganacsiga Somaliland waa uu balaadhay markaa hadii aad istidhaahdo ganacsi fur ama samee ma heleysid meel aad ka dhigto meheradda aad rabto inaad sameysid
,

Mar la waydiiyey su’aal ahayd maxaad fariin gaadhsiinaysaa bulshada aad u adeegtaan gaar ahaana macmiishiina.waxa uu ku jawaabay.”horta waxaan halkan marka u horeysa salaan iyo duco aad u qiima badan aan halkan u marinayaa bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay dunida joogaanba gaar ahaanna macmiisha xawaalada JUBAEXPRESS.ee sida wax ku oolka ah ee la taaban karo nuugu xidhanyihiin ee noola shaqeeya.

Waxaan runtii doonayaa inaan halkan bulshada u mariyo oo aan leeyahay waar waxa lagu jiraa wakhtiyo adagbaa jira,abaaraa jira sixir barar baa jira nolashu dadku uma sahlana duruufaha sidaasi ah waxa lagaga gudbi karaa isku duubni iyo is gacan qabasho.

Axmed Macalin Maxamuud
sldotorg@gmail.com


TOP