Magaaladda Boorame Oo Xudun u noqotay in Bedeecadaha dhacay loo iib geeyo
Boorama-(Somaliland.Org)-Gudaha magaalada Boorame waxa maalinba maalinta ka dambaysa ku soo badanaysa ka ganacsiga alaabta waqtigeedii dhacay ee dib loo cusboonaysiinayo taasi oo shacabka dhib badan ku haysa, alaabtan ayaa waxa la arkaa inta badan kadib hawlgalo ay sameeyaan ciidanka Booliska kuwaas oo gacanta ku soo dhiga Shaabado iyo alaabo dhacday oo isugu jirta sharaab, raashin, dawooyin, shaabmooyo IWM.
Tifaftiraha shabakada Internet-ka ee Geestiirnews.com Cabdalle Cali Yuusuf, ayaa warbixin dheer ku axadhay mawduucan oo halis caafimaad ku haya bulshada gobolka Awdal, waxaanay warbixintaasi u dhignayd sidan:-
“Waxaan u kuur-galay waxa sababay inay Boorama noqoto xudunta alaabta dhacday lagu cusboonaysiiyo iyada oo dadka dib looga iibiyo, waxana ay qormadan daaha kaga qaadaysaa AFAR arimood oo sababay arintan uu damiirku diidayo loona baahday in Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo lala socodsiiyo si uu u qaado talaabo ka dhan ah oo meesha ka saarta khatarta Alaabtaasi dhacday waxana ay kala yihiin:
1.Ganacsatada:
Alaabada dhacday oo lagu helo qiimo jaban waxa ay noqdeen ilo laga macaasho oo ganacsatada qaar ka mid ahi ku dhiiri galisay inay raadiyaan alaab iyo dawooyin noocan oo kale ah iyaga oo aan u danaynayn shacbka. Ganacsatada arintan caadaysatay oo samaystay shaabado nooca taariikhda ah iyo dawooyin kiimiko ah oo ay ku tirtiraan taariikhda hore ee alaabta dhac dayr ku qoran ayaa waxa ay ka faaiidaysteen dheeliga ku yimid dhinaca sharciga iyo dabagalka dambiyada ay gacanta kula jiraan waxana ay marar badan arintan sharci la’aantu ku dhiiri galisaa inay sii milcsadaan macaashka xad-dhaafka ah ee ay ka helayaan alaabada dhacday oo ay qiimo jaban ku soo helaan
2. D/Hoose Ee Boorame
Mida labaad ee jirta in D/Hoose ee Boorama ay ku guul daraysatay inay hawsha gubida iyo burburinta alaabta dhacay sideeda u fuliso, ha noqoto tayo xumo, ha noqoto habrasho kale ama dano macaash oo la mid ahe waxa jirta inay kala shiki iyo aaminaad daro soo kala dhex gashay ganacsato daacad ah oo haysa alaabo dhacday una baahan in laga qaado oo la gubo iyo D/Hoose oo hawshaasi lahayd.
Dulucda arintan ayaa waxa ay tahay in D/Hoose gudaheeda ay jirto in aan sidii loogu talo galay alaabada dhacday loo burburin, shaqaalaha iyo D/Hoose-na ay dib u bililiqaysataan alaabtii dhacday iyaga oo dano gaar ah ku fushanaya inteeda badan, halka inyar oo ka mid ah alaabta loo dhiibay ay burburiyaan.
Nuxurka karti-darada arintan ee D/Hoose ayaa waxa uu yahay mid taageero ka helay markii uu noqday mid aan shaqayn oo hawshiisii ka gaabiyay xafiiskii dhawrista agabka iyo adeega ee G/Awdal oo loo baahnaa in uu hawshan u nodo lafdhabar.
3. Culimada Diinta Ee Boorame
Guud ahaanba Culimada hormoodka ka ah diinta oo ah xubin muhiim ah marka ay noqoto wax u sheega iyo wacyigalinta bulshada ayaan haba yaraatee la arkin iyaga oo ka hadlaya arintan ku aadan wacyigalinta ka fogaashaha alaabada dhacday. Culimada ayaa loo baahnaa in ay bulshada guud ku wacyigaliyaan la dagaalanka arintan iyo sidoo kale inay u sheegaan dadka ka ganacsada dibna u cusboonaysiiya alaabta dhacday inay aakhiro iyo ifba u tudhaan ayaa waxa aan jirin talaabooyinkii loo baahnaa inay ka qaadaan arintan waxana tani badalkeeda culimada magaalda Boorama mashquuliyay arimo kale oo ay ugu mudan yihiin gurmadka abaaraha iyo ka qaybqaadashada hormarka kale ee bulshada ka dhex suda. Sidoo kale wasaaradii diinta iyo Awqaafta ee arintan ka ciyaari lahayd kaalinta abaabulka iyo qorshaynta ayaan wali ku baraargsanayn khatartan alaabta dhacday ee faraha ba’an ku haysa bulshada.
4. Ciidamada Booliska
Ciidamada Booliska ee Boorama ku sugan ayaa iyaguna ah kuwo ay tiradoodu yar tahay isla markaana aan hawshan baaxada leh qayb kaga dhacacyn marka la barbardhigo hawlaha kale ee nabadgalyo ee ay bulshada u hayaan. Sioo kale ciidama booliska waxa kale oo xayndaab ku noqday gaadiid la’aan saamaysay fulintii hawlgalada noocan oo kale ah oo u baahan baabuur xamuul ah oo lagu hawl galo si alaabtaas mar kaliya gacanta loogu dhigo.
Sidoo kale waxa meesha ka maqan wada shaqayntii looga baahnaa inay wada yeeshaan ilaha sirdoonka iyo ciidamada Boolisku waxana ay tani sababtay in marar badan la ogaanba waayo hawlaha guryaha hoostooda ka socda ee dib u cusboonaysiinta alaabta dhacday
Si kastaba ha ahaatee inkasta oo ay ciidamada Boolisku dalaal aan dhaafsiisnayn tamartooda hayaan, sidoo kale D/Hoose ee Boorama ay bixisay ogaysiisyo iyo digniino ka dhan ah alaabta dhacday waxa ilaa hada aad u yar dareenada dhacdadan ka soo laabtay ee wax ka qabanaya, waxa kale oo xusid mudan in afartan arimood aay yihiin ubicda wax ka qabashada alaabada dhacday hadii loo baahan yahay in talaabooyin muuqda laga qaato.
Ugu dambayntii Arintu waa Allaahu Maa Balaqtu.. Mud. Madaxwayne qurmadani waxa ay kuu iftiiminayaa arimo muhiim ah oo aanad inta badan xogtooda ka helin hayadaha ay khusayso ee aad u igmatay hadii arintu saas tahayna ogow manta waan ku soo gaarsiinay waxana ku gu waajib ah in umadii aad daryeelkeeda u dhaaratay inaad daryeesho oo manta u ooman wax ka qabad arin xanuun kulul oo saamayn dambe ku yeelan doonta mustaqbalka caafimaad ee bulshada.
Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com
