Suldaan Maxamed C/Qaadir oo soo dhaweeyay wada hadalada u bilowday Xukuumadda & Xaglo-toosiye

Hargeysa (Somaliland.Org)- Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, ayaa caawa taageeray dhaqdhaqaaqyada nabadeynta ah ee u bilaabmay Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiga Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ahmiyad weyn leh oo muddo badan la filayay.

Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu caawa u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org, waxaanu ugu baaqay Garaadada, dhalinyarada iyo bulsho weynta deegaamada Sool iyo Buuhoodle inay qaataan wada hadalada nabadda.

“Anigoo ku hadlaya magaca Salaadiinta Somaliland Waxaan doonayaa inaan halkan ka bogaadiyo tallaabada iyo dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee u bilowday xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiga Saleebaan Xaglo toosiye iyo madax-dhaqameedka la socda. Waxaan aaminsan nahay inay maanta uun soo dhawaatay xal u helida tabashada iyo colaada ka taagan deegaamada Sool iyo Buuhoodle, waxaan leeyahay nabadda ha loo ciidamiyo oo haloo kaco,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir.

Suldaanku waxa uu Saleebaan Xaglo-toosiye u soo jeediyay sida uu ugu dhiiraday inuu nabad u horseedo bulshadiisa, waxaanu yidhi “Waxaan ku ammaanayaa Saleebaan Xaglo-toosiye inuu ku dhiiraday inuu dadweynihiisa u horseedo nabad-gelyo iyo horumar. Waxaan u soo jeedinayaa waxgaradka, garaadada Sool iyo Buuhoodle inay u soo noqdaan nabad-gelyada.”
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, waxa uu xukuumadda Somaliland ku ammaanay siday iskugu hawshay dedaalada nabadda, waxaanu u soo jeediyay inay ka sii midho dhaliso hanaanka nabad ee deegaamada Sool iyo Buuhoodle.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP