Komishanka Doorashooyinka Oo Iftiimiyay Caqabadaha hor taagan Doorashada Deegaanka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa sheeya inaanay doorasho qabsoomayn sanadkan haddii ay golaha baarlamaanku mar labaad soo celiyaan xeerla doorashooyinka XEER NO:20 oo ay hore u soo celiyeen Goleyaasha sharci dejintu.

Sidaasi waxay ku sheegeen shir jaraa’ id oo ay maanta si wada jira ugu qabteen xarunta komisan doorshooyinka.

Waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka Ciise Yuusuf X. .Maxamed (Xamari) ayaa ka Waramay hawlgalada ay Komiishan ahaan ku hawlan yihiin, ayaa xusay in sadex qodob ay qabyo ka yihiin kuwaas oo u kala baxa arrimo sharci,kuwo dhaqaale iyo doorashadii golayaasha deegaanka ,Waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in qaybtii dhaqaalaha ee ay ka codsadeen xukuumada iyo qaadhaan bixiyayaashu labaduba ay u soo shubeen miisaaniyadii ay sannadkan 2012ka ay u balan qaadeen.

Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Ing Ciise Xamari waxa uu cadeeyay in Markii laga soo guuray liistadii xidhnay ee la qaatay in astaanta Murashixiintu ay noqoto tiro ahaan ,loo balanqaaday in loo helayo wixii kharash ku baxaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo uu golaha Wakiilada dib ugu celiyay Xeer No 20,gaar ahaan qodobka Astaanta oo Wax ka bedelkii ay golaha guurtidu ku sameeyeen uu caqabad ku noqday ayuu yidhi qabsoomida doorashada deegaanka oo u qorshaysan inay sannadkan qabsoonto.

Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Qaranku waxa uu hoosta ka xariiqay in dooda ay golaha wakiiladu ka yeelanayaan wax ka bedelka uu madaxweynuhu u gudbiyay gaar ahaan hadii ay ku adkaystaan in murashixiinta loo sameeyo astaan, ay Komiishan ahaan ummada iyo qaadhaan bixiyayaashaba u cadaynayaan in doorashadii Golayaasha deegaanku ay ka dib dhici doonto dabayaaqada sannadkan.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi hadalo kooban kasoo jeediyey Raabi Cabdi Maxamed oo sheegay in hadii ay golaha baarlamaanku mar kale soo celiyaan xeerkan ayna doorasho sanadkan ka qabsoomayn waxaana hadaladiisii ka mid ahaa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP