Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo xoriyadiisii u soo celisay Agaasimihii Maamulka TV-ga Qaranka

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xoriyadiisii dib ugu soo celisay Agaasimaha Maamulka iyo lacagta TV-ga Qaranka Xasan Maxamuud Maxamed oo muddo shan maalmood ah ku xidhnaa Hargeysa, ka dib markii Hanti-dhawrku xidheen Salaasadii maalin ka dib markii ay Isniintii hore hawl-gal baadhis ah ka bilaabeen wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta.

Agaasimaha Maamulka TV-ga qaranka ayaa Hanti-dhawrku hore ugu eedeeyeen inuu galay musuqmaasuq, hase yeeshee waxa maxkamadda gobolka Hargeysa ay maanta ooda ka soo qaaday ka dib markii Hanti-dhawrka guud tahli waayay inay maxkamada horkeenaan dacwad cad iyo eedaha rasmiga ah ee ay ku soo oogeen sarkaalkan.

Warar xog ogaal ah ayaa shabakada wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay in hanti-dhawrku maxkamada ka dalbadeen inay dacwadiisa horkeeni doonaan maalintii Sabtidii ka dibna ay horkeeni waayeen maxkamada isla markaana ay haddana qabsadeen inay Axaddii maanta horkeeni doonaan taasina ay ku fashilmeen. Taasina ay sababtay in maxkamadu go’aansato inay sarkaalkan xoriyadiisii dib ugu soo celiso.

Ma cadda in dacwadii loo haystay masuulkani ay sidaasi ku dhammaatay iyo in kale, hase yeeshee waxa tallaabadani ay fashilaad weyn ku tahay hanti-dhawrka guud oo tahli waayay inay soo cadeeyaan eedaha ay u soo jeediyeen sarkaalkan.
Waxa hore Maxkamada gobolka Hargeysa ay gaashaanka ugu dhufatay dalab uga yimid Hanti-dhawraha guud oo ka codsaday in Agaasimaha maamulka iyo lacagta TV-ga qaranka loo hayo muddo 45 maalmood ah. Taasi oo aanay sababayn.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP