Guddoomiyaha Degmada Dururuqsi oo ka digay abaaro ba’an oo ka jira jiidaas

Burco (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Degmadda Duruqsi Oo Walaac Ka Muujiyay Abaar Ba’an Oo Deegaankaasi Ku Dhufatay ,Eedayna Ujeediyay Qaar Ka Mid Ah Hay’adaha Gobolka Togdheer Ka Hawlgala .

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ka digay xaalad abaareed oo uu sheegay in ay deegaamadaasi iyo deegaamada ku xeeran soo foodsaartay ,taasi oo uu xusay in ay saamaeyn xoogan ku yeelatay dadka jiidaasi ku dhaqan .

Axmed Cabdi Gaabyoome ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo uu warbaahinta ku siiyay xogwaran magaalada Burco oo uu safar shaqo ku joogay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa .
“ Degmada xiliroobaadkii guga ee ina dhaafay ma helin ,waxaanan odhan karaa manta xoolihii dadkaasi haystay boqolkii afartan ayay abaarahaasi galaafteen ama Afartan iyo shan ,markaa runtii xaga abaaraha bulshada iyo xoolaha ku dhaqan deegaamadaasi dhibaato badan ayaa ka haysaa oo imika ku dhaw barakac ,sidaa awgeed waxaan leeyahay dhibaatadaasi intaaney barokac keenin dadka wixii loo qabankaraayo ha loo qabto ,qaylodhaan degdegana haloo sameeyo “ Sidaasi ayuu yidhi Inaga Gaabyoome.
Waxa kale oo uu ka dayriyay Duqa Duruqsi adeegyadda bulshada degmadaasi oo ay ka midyihiin caafimaadka iyo boolis la’aan .
“ Degmada waxa hoosyimaada 16-tuulo waxa kale oo jira 90 Tuulo oo ay u adeegto oo xuduudka ka hooseeya markaa waxa loo baahnayahay in adeega caafimaadka degmadda sare loo qaado oo Ambalance la keeno iyo shaqaale dheeriya waayo baahida caafimaadka deegaankaasi aad ayay u badantahay sidaasi ayaan usoo jeedinayaa wasaaradda caafimaadka .waxa kale oo ay degmadu u baahnatahy ciidamo boolis ah oo dheeri ah oo nebedgelayada ka shaqeeya iyo gaadiid .
Sidoo kale Guddoomiyaha Duruqsi ayaa eedayn u jeediyay qaar ka mid ah hay’adaha gobolka Togdheer ka hawlgala kuwaasi oo uu xusay habayaraatee in aaney deegaamadaasi gaadhin .
“ Hay’adaha Somaliland ka shaqeeyaa waxaad moodaa in ay danaynayaan meelaha caasimadaha ku dhaw ee aanu shidaal badani kaga baxaynin balse waxaad moodaa meelaha fofog ee baahiyuhu ka jiraan in aaney danaynayni sidaa awgeed degmada waxa si fiican ugu shaqeeya oo aanu aad ugu mahadnaqaynaa Hay’adaha Carties , Mediar Candelight waxaanu leenahay halkaasi ka sii wada .
Waxa kale oo jira hay’ado gobolka Togdheer ka shaqeeya oo aan deegaamadaasi iman oo ay ka mid yihiin World-vission World-Consult ,waxase ugu daran hay’adaha gobolka oo aan halkan ka cadaynayaa oo cadaalad-daro aafaysay iyo musuq-maasuq hay’adda NRC oo aan masuuliyiintooda Togdheer bulshada dhex u ahayn runtii aad ayaanu uga cabanaynaa NRC,sidaa awgeed waxaan leeyahay madaxda guud ee hay’adu farogalin iyo baadhis ha ku sameeyaan qaabka ay deegaamada Togdheer uga shaqeeyaan masuuliyiinta NRC ama hanaga bedelaan “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Ina Gaabyoome.

Inkastoo aaney ahayn markii u horeysay ee qaar ka mid ah hay’adaha ka hawlgala gobolka Togdheer cabasho laga muujiyo ‘hadana waxa safka hore kaga jira oo la xusi karaa hay’adda NRC oo dhawr jeer oo hore cabashooyin ka dhan ah laga dhigay gudaha magaalada Burco iyo deegaamadda ku xeeran ,taasi oo ay dadku ku eedeeyaan in ay ku caanbaxeen musuq iyo isdaba marin masuuliyiintooda Togdheer.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP