Wasiirka Warfaafinta oo dhagax dhigay Mashaariic iyo Dhismeyaal laga hirgalinayo wasaaradaas

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta dhagax dhigay mashaariic door ah oo isugu jira dhismayaal, Dib u habayn iyo Qalabayn oo ay bixisay Hay’ada USAID lagana hirgelinayo wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Wasiirka oo ka hadlayey munaasabadda dhagax dhiga dhismayaashaasi ayaa sheegay in mashruuc balaadhan oo maalinta berito si rasmi ah fulintiisu u bilaabanayso ay ka koobnaan doonaan Hool balaadhan oo weriyayaashu wax ku diyaarsan doonaan, labo xafiis oo mas’uuliyiintu isticmaali doonaan, Dib u habaynta Studio-ha Guduudo carwo oo ah Studio-ga Koowaad ee Radio Hargaysa, qolka kaydka cajaladaha ee radio Hargaysa oo la dhisay 1941-kii oo hadda loo bedelayo qaabka Digital-ka iyo labo Studio oo iyana uu yeelan doono Tv-ga Qaranka.

Wasiirku waxa uu cadeeyey in ay ka mid yahiin qaybaha qalabaynta xafiisyada la dhisi doono, Hoolal kale oo laga dhisi doono afaafka hore ee wasaaradda iyo qaybta Sugidda amniga oo albaabada wasaaradda iyo meelo gudaheeda ahba lagu rakibi doono qalab casri ah oo dhinaca ammaanka la xidhiidha.

Md Boobe waxa uu u mahadnaqay Hay’adda mashaariicdan bixisay ee USAID qaybteeda DAI iyo Hay’adaha kale IOM , halka uu Wasiirku si gaar ah ugu mahadnaqay Mukhtaar Axmed Sh aadan oo ah agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan horumarinta wasaaradda iyo guud ahaan gudashada mas’uuliyadda ay qaranka ugu xilsaaran yihiin waxana uu hoos u dhigay inuu wax ka soo qaado dad uu sheegay inay caadaysteen inay Wargaysyada wax been abuur ah ku qoraan kuwaasoo uu ku sheegay kuwo aanay dan iyo muraad ka lahayn isagoo wasiirku ku hal qabsaday tix suugaaneed uu lahaa Abwaankii weynaa cabdi Iidaan Faarax taasoo ahayd: Adiguna Dameeroow Dawankaaga Qaadoo faraskaagi Doolaal dabo Soco ma gaadhide.
?
?
?
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com