Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka hadlay Hawl-gal ay ka fuliyeen Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland GEN Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay hawlgalo ay ciidanka Boolisku ka sameeyeen Magaalada caasimadda ah ee Hargaysa.

Taliyahu waxuu sheegay in hawlgaladan oo la fuliyey mudadii todobaadka ahayd ee u dambaysay lagu soo qabqabtay in ka badan Konton Tuug oo la aaminsan yahay inay yihiin kuwii ugu waaweynaa uguna khatarta badnaa.
“Hawlagaladan waxaa looga gol leeyahay in la xoojiyo ammaanka dadka iyo dalka inta lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaanta maadaama beryahan dambe dadku ay cabashooyin ka muujinayeen tuugta” ayuu yidhi taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Gen. Fadal waxa uu sheegay in Afar iyo Soddon ka mid ah Tuugtaasi Maxkamad la horgeeyey loona gudbiyey xabsiyada ugu dhow, isagoo sidoo kale ku baraarujiyey taliye qaybeedyada Gobolada kale ee dalka inay qaadaan hawlgalo noocan oo kale ah. halka sidoo kale taliyuhu farriin adag u diray wadayaasha basaska ardada qaada oo uu ku sheegay inay xawaare dheereeya ku socdaan xilli ay waddooyinku cidhiidhi yahiin.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com