Haween Agoomo Ah Oo Cabasho La Hortagay Xarunta Badhasaabka Togdheer

Burco (Somaliland.Org)- Qaar ka mid ah haweenkii ay ka geeriyoodeen mujaahidiintii sar sare ee SNM ee dalka naftooda u huray iyo caruurtiiay ka tageen ayaa cabasho ka dhan ah Ururka Sooyaal ee magaca shicibkan ku shaqaysta iyo Xukuumadda isugu soo baxay xarunta maamulka gobolka Togdheer ee Burco.

Cabashada hooyooyinkan agoomaha ah ayaa ka danbaysay ka dib markii duruufo qalafsan oo dhinaca nolosha ahi ay soo wajaheen dadkan iyo caruurtooda kuwaasi oo habayaraatee Xukuumaddii Somaliland u kala danbeeyay waxba ka qaban-waayeen xaaladooda.

“ Anigoo ah Mujaahidadii uu ka geeriyooday Mujaahid Maxamed Cali oo ninkaygii iyo aabahay meel lagu wada dilay ,waxaanu ka cabanaynaa duruufo badan oo na haysta ,hadaanu nahay hooyooyinkii ay saraakiishii SNM ka geeriyoodeen ,kuwaasi oo waxba laga qabanwaayay xiitaa marka wax kale laga tago Guno ma qaadano ,gobolkana waxa ka dhisan xafiis Sooyaal la yidhaado ,xafiiskaasi waanu tagnay si aanu cabashadayada ugu gudbino waxaaney noogu jawaabeen ragii haysta waxba idiinma hayno ,wixii yimaadana war anagu uma hayno ,taas ayaa nagu ka liftay banaanbaxan ,markaa anagu la hadli mayno qolyaha Sooyaal iyo wasiiro toona balse waxaanu leenahay madaxweynaha dhibaatooyinka na haysta wax halaga qabto oo hoos haloo eego waayo ? mushar ma qaadano ,ma qaramaysnin ” sidaasi ayay waxa tidhi Sahra Muuse Tawakal oo indheheeda ay dayacaadu ka muuqatay.

Kinsi Yuusuf Maxamuud oo iyana ah marwadii uu ka geeriyooday Muj.Ibraahim Jaamac Dhiif (hayliqin) oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa .

“ Waxaanu idiin sheegaynaa ragii na qabay ninkastaa meesha uu ku dhintay ee uu yaalo waa la ogyahay ,tan iyo maalintii ay dhinteen wax alaale wax naloo qabtay ma jiraan ,iskuulo ma jiraan ,guryo ma jiraan ,daryeel ma jiro ,xuquuqi ma jirto dadkuna magic iyo manfac mid\uun ayuu helaa labadaba waanu waynay ha laysu sheego madaxweynaha iyo Xukuumadiisu indhahana haw furan dhibaatada nahaysa “ Sidaasi ayay hadalkeeda kaga baxday hooyadani kale .

Saado Maxamuud Haariye oo iyana ka mid ahayd hooyooyinka darxumadu haysato ee uu ka geeriyooday Muj. Carab Ileeye oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM oo halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Dawladii aanu u halgamaynay waa taa maanta dhisan labasanana kursigaa lagu fadhiyaa wax naloo qabtayna ma jiraa 21-sano ee ay dhisnayd-na hadlkeeda dhaaf .caruurahayagu shaqo ma haystaan anagu shaqo ma haysano macdalaa dhul-xaadh kama haysano dawladda Somaliland ,caruurtayadii qaar jaamacadaha ayay dhigtaanoo dhagahayagii ayaanu u iibinay markii la yidhi fadhiisanmaayaan ilaa aad lacag bixisaan markaa waxaanu dawladda usoo jeedinaynaa xaqa aanu dalka ku leenahay in wax naloogu qabto oo musuqa “.

Geesta kale Guddoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar oo isna aanu wax ka waydiinay cabashooyinka hooyooyinkan dayacan ayaa jawaab ka bixiyay “Runtii waanu is aragnay dumarkii ay mujaahidiintii SNM ee madaxda ahaa ka geeriyoodeen oo ka cabanaaya waxqabasho la’aan ,daryeel la’aan iyo ogaanshiyo la’aan sidaa awgeed arintaa cabashadooda waanu dhagaysanay qoraal-baananu ka samaynay waananu u gudbinaynaa hay’ad kastoo cabashadoodu khusayso markaa inkastoo ay baahiyuhu badanyihiin hadana waxaanu u balanqaadaynaa Xukuumad ahaan intii awoodayada ah in aanu wax ka qabano baahidooda “ Sidaasi ayuu gudoomiyuhu hadalkiisa kaga baxay.

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco