Toronto : Taakulayn $15,000 oo jaaliyadda Toronto ugu deeqday jidka Burco-Oodwayne-Hargeysa

Waxa laguqabtay Magaalada Toronto, kulamo dhowr ah oo isa soo dab joog, deeq lacageednaloogu uruurinaayay jidka isku xidha doona Burco- Hargeisa( Transsomalilandhighway ).

Jidkaas oo ah mashruuc qaran, waxa lagu dhisayaa iska waxuqabso. Waxa hormood ka ah Guddigga Horumarinta Gobolka Togdheer. Mashruucyaddaay Guddiga Horumarinatu Togdheer hirgelisay waxa ka mid ah:

1. BuraoUniversity
2. BuraoBridge
3. MaandheeyeMental Hospital.

Waxaa kale oo qorshaha ay dhigteen ku mid ah hirgelinta mashruuc afraad iyo shanaad oo kal ah:
4. Burao- Odweina- Hargeisa Roadproject ( oo iminka gacanta lagu hayo –under progress ).
5. Burco-Erigavo, Road project (oo gacanta la saari doona Marka mashruuca afraad dhamaado).
Hadabaanaga oo u mahadnaqayna Guddiga Horumarinta, kuna dhiirigeliynayna inay hawshasii xoojiyaan, waxay Jaaliyadda Somaliland ee Toronto, siiba jaaliyadaha kasoojeeda Galbeeedka iyo Bariga Burco, ku deeqeen US $ 10,000/= . Waxa kale ooayaguna ku deeqay US $ 5,000/= hablaha Galbeedka Burco.. Lacagtaas oo dhan US15,000/=, waxa lagu shubay Dahabshiil A/C # : Guddiga Horumarinta GobolkaTogdheer.

Waxa kale oo laysla gartay arrimaha soo socda :

1. In labilaabo dhaqaale uruurin ballaadhan, oo laga uruuriyo dhamaan magaalooyinkawaawayn ee Dalka Canada. ( Waxa loo balamay marka ay dhamaato bisha Ramaadaanee Barakaysani }
2. In la sameeyo wacyi gelin iyo braarujin ( public awareness).
Waxaanu kuboorinaynaa dhamaan qurbjooga meel kasta oo ay joogaan , inay qacan wayn kagaystaan mashruucaas oo faaidooyin badan u leh Somaliland. Ka sooqayb galayaashi iyo Guddida qabanqaabadataakulaynta Wadada “Trans-Somaliland highway “ , Toronto.

1. Dualeh Mohamed Hersi
2. Ali Ibrahim Jama
3. Farah Abokar Khayre
4. Abdi Tuule
5. Jama Jama
6. Awil Hashi Mohamud
7. Mohamud Jirde
8. Mohamed Abdillahi Sugaal
9. Faud Abdillahi
10. Anis Farah Suusleh
11. Mohamed Ali (Sheekhaawi)
12. Mustafa Abdi Artan
13. Mustafa Ismail Sanqooleh
14. Ahmed Mohamed Yusuf (Mujahid Jabane)
15. Ahmed Sh. Hussein
16. Said Mubaarik
17. Ahmed Eric
18. Mohamed Yusuf Macalin
19. Khadar Ise Abdi
20. Abdirahman Abokar
21. Ahmed H. Ali Abdi
Waxaay Gudidu u mahad celinaysaa dhamaan dadkii ka geeystay Tabaruca Jidkan iskuxidhi doona Burao – Hargeisa. Waxa ay idin leeyihiin illahay khayr ha idiinkubedelo halkii aad ka soo saarteen, Wax aad se ogaataan in aanay wali fari kaqodnayn.

Alleayaa mahad leh.. (RAMADAAN KARIIM)
WabilaahiTafiiq.
GudidaTaakulayenta Wadada Burao – Hargeisa ee TORONTO, Canada.