Somaliland Oo ka mid noqotay dalalka laga Talaalayo xanuunka beer-xanuunka

Haragsya (Somaliland.org):- 28-ka bisha July ayaa loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta cudurka beer xanuunka adduunka, iyada oo wadamo badan oo caalamka ah laga xuso maalintaasi.

Somaliland ayaa sanadkan markii u horaysay laga xusay maalinta beer xanuunka adduunka, wasiirka wasaarada cafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Maxamed (Xoog) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska ayaa sheegay in 28-ka bisha July dalal badan oo adduunka ah laga xuso maalintaasi beer xanuunka.

Dr. Xoog waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay arrimo fara badan oo la xidhiidha waxyaabaha keena cudurkaasi, inta nooc ee uu yahay, sida ugu haboon ee looga hortegi karo iyo sida uu qofku u ogaan karo in uu qabo cudurkaasi, waxaanu sheegay wasiirku in Somaliland lagu daray wadamo la doonayo in sanadka soo socda ee 2013 laga talaalo dadka qaba cudurka hebitaytka gaar ahaana hebitayt B iyo C, kaasi oo ka mid ah noocyada ugu badan ee cudurka beer xanuunka. Isaga oo xusay in dadweynaha Somaliand qaar ka mid ah oo dhiigag lagaga qaaday bangiga dhiiga 6% ka mid ah laga helay cudurka beer xanuunka.“Warka farxad leh ee aan idiin sheegayaa waxa weeye in uu jiro talaalkiisii hebitayt B-ga oo fara baas inagu haya, imikana inaga la inagu daray wadamada la siinaayo talaalkaasi sanadka 2013-ka ayuu toos inoogu bilaabmi doonaa, imikana tababarka shaqaalihii bixinaayay ayaa inta sanadkan ka hadhay la siinayaa, sanadkii hore ayaana la inoo soo ogolaaday bishii Ocotber in la inoogu daro talaalada la ina siinayo talaalka hebitayt B-ga, waana in laga wada faa’iidaystaa, qofkii talaalkaa qaataana waxaa uu ka badbaadi doonaa cudurkaa dilaaga ah ee faraha baas inagu haya. Dadkeena dhiiga laga qaaday ee bangiyada dhiiga lagaga qaaday 6% waxay yeesheen hebitayt B” . ayuu yidhi Dr. Xoog.

Dr. Xuseen Xoog, waxa uu sheegay in sanadkan halku dheg looga dhigay xuska maalinta cudurka beer xanuunka ay tahay qof walawba ogow hebitaaytku wuxuu kaaga dhaw yahay inta aad filayso, isaga oo wasiirku faah-faahin ka bixinaya tirade dadka aduunka ku nool ee la aaminsan yahay in ay qabaan cudurkaasi iyo iyo noocyada ugu badan waxa uu yidhi “hal-ku-dhega sanadka la qaatay dadweynaha aan u sheegayno oo looga dhigayo xasuus xidii ay uga digtoonaan lahaayeen cudurkaa, waxaana weeye qof walowba hebitaaytisku wuu kaaga dhaw yahay inta aad filayso. sababta aanu warkan u sheegaynaa waxa weeye oo ay tahay in ay dadku wax ku qaataan habkii lagaga hor tegi lahaa dhibaatada baxadaa leh, haddii in badan oo dadka ka mid ahi ku baraagaan oo ay fahmaan sida uu cudurkani u fidaayo waxaa suurogeli lahayad in dad badan oo uu ku dhici lahaa ay ka badbaadaan. Waxaa la yidhaahdaa 12-kii qof ee adduunka ku nool qofka mid ah wuxuu qabaa hebatayt ama B ha qabo aa C ha qabo, gaar ahaana kuwa karoniga ayuu qabaa, markaa wax yar ma aha, waxay la macno tahay 8% ayaa qaba heibtaayt-ka runtii dhibaato aad iyo aad u balaadhan weeye.”

Wasiirka caafimaadku wuxuu intaasi ku daray “Waxaa la yidhaahdaa shan boqol oo milyan oo qof oo adduunka ku nool ayaa qaba hebitaatayska qaba, markaa culayska intaa le’eg ee uu cudurkaasi leeyahay ayaa keentay in maalinta gaarka ah loo sameeyo si ay dadku ugu baraarugaan, weliba shantaa boqol ee milyan ee qof ee qabaa ee adduunka ku nooli waa kuwa wakhtiga raaga ee B-da ama C-du keenay sida qarsoon dadka u dilaya, sanadkiiba ugu yaraan hal milyan oo qof ayaa hebitaytka qaada dunida.”

Wasiirka caafimaadka Somaliland mar uu ka hadlayay waxyaabaha keena cudurka beer xanuunka iyo sida ugu haboon ee looga hortegi karo waxa uu yidhi “waxyaabaha keenaa waa laba siyaabood uun cunto iyo biyo aan nadiif ahayn, kaasi waa ka ka yimaada hebitayt A-ga iyo hebataayt B-ga, dhibtiisuna way ka yar tahay ka wakhtiga dheer, laakiin muddo gaban ayaa qofka uu helaa uu kaga badbaadaa ama ku dilaa, wejiga labaad ee uu qofka ugu soo gudbi karaa waxa weeye dhiig aan caafimad qabin oo lagu shubo oo hebitaaytka qof qaba laga soo shubay ama dheecaan kale oo jidhka soo gaadha oo ka yimaada qof qabay heibtaaytiska, kuwa ugu badana waa hebitayt B-ga iyo heibtayt C-ga kuwa wakhtiga badan raagana waa kuwaa, Waxaa loo baahan yahay biyaha in la iska nadiifiyo oo la kar-kariyo, cuntada in laga daboolo duqsiga, isticmaalka suuliga oo lagu dadaalo, saxarada oo la asturo, haddii ay suurtogeli waydana in meel lagu aaso oo duqsiga laga qariyo, marka suuliga laga soo baxo oo gacmaha saabuun lagu dhaqo, marka uu cuntada cunaayho ka hor oo gacmaha sauun lagu dhaqo, biyaha oo kiniinka la nadiifiyo lagu isticmaalo, ama la kar-kariyo, intaas ayaa keenaya in ay inaga xakameyan”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “muhiimada ay leedahay arrintani dadweynaah in lagu baraarujiyo la bilaabay isla markaana laga warbixiyo siyaabaha looga hortegi karo ee loo yarayn karo mushkilada xanuunkan maalin caafimaad marka la sheego sida maalinta malaariyada adduunka , maalinta Aydhiska adduunka, waxay tilmaamaysaa culayska caafimaad daro ee uu adduunka ku keenay oo ay lagama maarmaan noqotay in dadka sanadkiiba mar la xasuusiyo, sigaar ahna xasuuska wayn ta kale hadana loo sameeyo sanadkiiba mar si dadweynuhu wacyigelin dheeaad ah iyo aqoon dheeraad ah ay uga helaan mushkiladan, waayo inta caafimaadka ka shaqaysaa oo keliya waxba kama qaban karaan, haddii aanay bulshada uu cudurku u gudbayaa aanay aqoon badan ka haysan, taas ayaana loo sameeyaa maalmaha caafimaadka”.

“Si loo tilmaamo culayska ay ku leedahay dadyawga adduunka ku dhaqan, beer xanuunka ama hebataytisku laba nooc ayuu u kala baxaa ka wakhtiga gaaban iyo ka wakhtiga dheer, ka wakhtiga gaaban waa mid muddo gaaban qofka haya ama wuu dilaa ama wuu ka kacaa qofku, ka wakhtiga dheerna uma jiifo qofku maalin walbana wuxuu la baxaa unugyo ka mid ah unugyada beerka, sidaas ayaanu ku dhameeyaa beerka gabagabadana wuxuu keenaa inuu u dhinto qofku, markaa beer xanuunka wakhtiga dheeri wuxuu dhaxalsiiyaa in loo dhinto. waxyaabaha keena beer xanuunka ee ugu badan waxay yihiin fayras, way jiraan waxyaabo kale laakiin fayraska ayaa ugu badan waayo fayrasku waa ka had iyo jeer dawadiisa helitankeedu ay ugu adag tahay” Fayraska keena beer xanuunka waxaa loo qaybiyaa Abcde, waxyaabaha uu dadka ka soo raaco rayraska keena beer xanuunka ee uu beerkiisa ku dego”.

Khadar Cabdi Muuse
Somaliland.Org/Hargeysa
Titanic058@hotmail.com