Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Tababar u soo xidhay 365 Askari oo Boolis ah

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/07/ciidanka-iyo-madaxweyne-ku-xigeenka3.jpg”>Mandheera (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta tababar ugu soo xidhay dugsiga tababarka Mandheera 365 askari oo Boolis ah oo muddo afar bilood ah la baranayay shuruucda iyo tabarka ciidamada.

Xafladii loo sameeyay xidhitaanka tababarka ciidankan waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Madaxtooyada, Arrimaha gudaha, Cadaalada, Hawlaha Guud, Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Booliska, Badhasaabka gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidamada Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ciidankan oo u badan dhalinyaro ay u qaateen ciidanka Booliska isla markaana ay muddo afar bilood ah baranayeen tababar sare oo la xidhiidha shuruucda booliska iyo tababarada ciidammadda.

Taliyuhu wuxuu ciidamadan tababarku u xidhmay u soo jeediyay inay hawl maalmeedkooda shaqo ku dabaqaan macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa Bogaadiyay ciidankan tababarka loo soo gabo-gabeeyay, waxaanu u soo jeediyay inay bulshadooda u fuliyaan adeega xasaasiga ah ee Nabadgelyada ee ay u hayaan.
“Ciidanka Booliska dhaqaale uma kordhin miisaaniyadiisu waxay la mid tahay tii sanadkii 2011-kii, Ciidanka intan leeg iyo cududa intan leeg in ciidanka Booliska lagu soo kordhiyo waa dedaal la iska kaashaday uun, ciidankani wuxuu qaatay tababar sare oo shaqadooda la xidhiidha,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu intaasi ku daray in ciidanka Boolisku u baahan yahay in kor loo sii qaado tayada aqoontooda iyo agabkoodaba si ay u daboolaan adeega halbowlaha ah ee ay u hayaan bulshadda Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka hagranayn tayaynta ciidanka Booliska, waxaanu tilmaamay in marba wixii loo qaban karo loo qaban doono.
<
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu Wasaarada Daakhiliga iyo Taliska guud ee Booliska ku ammaanay dedaalka ay u galeen kor u qaadista tababarada ciidanka Booliska.

“Dhammaanteen sharaf ayay inoo tahay inaanu ka qeyb galno xafladan aadka u qiimaha badan leh ee aynu tababarka ugu xidhayno ciidanka tiradan leeg ee tababarku u xidhmay. Waxaynu ku guulaysanay inaynu helno ciidan da’yar oo ku biira Ciidanka Booliska, waxaanan bogaadinayaa Ciidankan tababarku u xidhmay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu dugsiga tababarka ciidamadda ee Mandheera salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka mid ah ciidankii booliska ee tababarku u xidhmay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com