Hor-joogaha Khaatumo Oo Olole ugu jira sidii uu mar kale u soo bixi lahaa Shariifka Soomaaliya

Muqdiho (Somaliland.Org)- Mulkiilaha maamul ku sheega Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay in uu magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka bilaabay olole balaadhan oo uu taageero ugu raadinayo sidii uu mar labaad kursiga Madaxweynenimada Soomaaliya ugu fadhiisin lahaa, Madaxweynaha xukuumada ku meel gaadhka ah ee wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee wadanka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Warkan oo aanu ka helnay ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu intaas ku daray in Mulkiilaha kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo Mr Cali Galaydh uu 28-kii bishan shir albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay magaalada Muqdisho odayaal iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Beesha Habar Gidir, oo ka mid ah beelaha koonfurta Soomaaliya. Kuwaasi oo la sheegay in uu shirkaas kagala hadlayey sidii loo midayn lahaa, isla markaana isfaham iyo isu soo dhowaansho looga dhex abuuri lahaa beesha Habar Gidir iyo Beesha Abgaal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Sheekh Shariif, beelahaas oo la sheegay in mudooyinkan dambe ay u dhaxaysay xurguf ku salaysan kala fogaansho xaga afkaarta siyaasada ahi.

Iyada oo sida ilo wareedyadani tilmaameen danta iyo ujeedada ugu weyn ee Cali Galaydh ka leeyahay midaynta iyo isu soo dhoweynta beelahaasi ku salaysan tahay sidii ay beesha Habar Gidir taageero cod iyo mid siyaasadeedba ugu kaabi lahayd dedaalka uu ugu xusul duubayo sidii uu taajka Madaxweynenimada Soomaaliya mar kale u saari lahaa ninka ay gacan saarka leeyihiin ee Sheekh Shariif, Kaasi oo ay Mr Galaydh hore ugu heshiiyeen hadii uu ku guulaysto Madaxweynenimada Soomaaliya in uu isagana u magacaabo jagada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Hase ahaatee ilo wareedyadani ma sheegin in shirkaas arimihii lagaga wada hadlayey la isku af gartay iyo in kale, sidoo kalena lama oga dareenka ay arimahaas ka bixin doonaan siyaasiyiinta kale ee u taagan hanashada xilalka Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ay qoondaystay in ay isu cumaamadaan Sheekh Shariif iyo Cali Galaydh.

Dhinaca kalena loolanka iyo tartanka adag ee loogu jiro xilalka sare ee xukuumada cusub ee loo dhisi doono dalka Soomaaliya ayaa xamaasadoodu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaysay, sidoo kalena waxaa maalmihii u dambeeyey qiimahoodu circa isku shareeray lacagaha lagu bixinayo xubinimada kuraasida Baarlamanka cusub ee loo dhisi doono dalka Soomaaliya. Arimahaasina waxa ay daliil cad u yihiin heerka ay taagan yihiin musuq maasuqa iyo cadaalad darrada ku gedaaman xukuumada iyo baarlamaanka la doonayo in loo sameeyo dalka Soomaaliya marka la gaadho bisha Augost ee inagu soo aadan.


XIGASHO: Wargeyska MADAXA BANAAN EE DAWAN