Badhasaabka Togdheer oo ku dhawaaqay Gudida dib u dhiska Madaarka Burco

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar Ayaa maanta ku dhawaaqay Gudida Dibu dhiska Madaarka Magaalada Burco.

Xubnaha Gudidan oo ka kooban 13Gudidan ayaa Kulankii lagaga dhawaaqayay Oo lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka Togdheer , waxaa Goob Joog Ka ahaa Xubnaha Loo Soo xulay Inay noqdaan Gudida taburucaadka Dibu Dhiska Madaarka Burco .
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar Oo Hadal Ka Jeediyay madashaasi ayaa Ku sifeeyay Gudidan In ay U xil saaran Yihiin Dibudhiska Iyo Dhaqaalo Uruurinta Madaarka Burco Isagoona Ugu Baaqay Gudoomiyahani Bulshada Qurba Joogata Ah Ee Gobolkani Inay Ka Qayb Qataan dibu Habaynta Madaarka Burco.

Duqa Degmada Burco Maxamuu Axmed Xasan Dhegalaab Oo Xubin Ka ah gudidan Ayaa isna Usoo Jeediayay Bulshada Gobolka Togdheer Gaarh Ahaan qurba Joogta Inay Ka Qayb qatan Dibudhiska Madaarka Burco.

Sh. Cali Maxamed Axmed”Sh. Cali Mawliid” Oo Ah Gudoomiyaha Gudidani Ayaa isna Wax Lagu Farxo Ku tilmaamay Hawshan Ay ku Dhiiratay wasaarada Duulsita iyo Hawada somaliland Isagoona Ku Timaamay Hawshani Mid Muhiim U ah Bulshada gobolka togdheer Iyo guud Ahaan Somaliland.

Gudidan oo ka Kooban 13 xubnood ayaa kala ah.
1-Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Xubin
2-Cabdoo Axamed Aayir Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Xubin
3-Maxamuud Axmed Xasan Maayarka Magaalada Burco Xubin
4-XIL Cali Maxamed Xasan (cali mareexaan) Xubin
5-Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf(Waabeye) Xubin
6-Cali Maxamed Axmed “Gudoomiyaha Gudida”Xubin
7-C/raxmaan Maxamed Timir “Gudoomiye ku xigeen”
8-Yasiin Maxaidemed Shide
9-SHiikh Yuusuf C AWAD
10-Maxamuud D iiriye Xayd
11-sh.C/laahi Daahir(c/laahi baashe)
12-sh.Maxamed Axmed Yaasin
13-eng.Faarax Xuseen

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com