Badhasaabka Saaxil oo Sheegay Roobab Abaartii ka Jabiyey ka Da’een Gobolka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Saaxil. Md, Maxamuud Cali saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in roobab lagu diirsadey ay ka da’een labadii maalmood ee lasoo dhaafey degaanadii abaartu ka jirtay ee Gobalka Saaxil.

“Alle ayaa mahad leh oo ducadayadii naga aqbalay, Labadii maalmood ee aynu soo dhaafney waxaa ka da’ay degaanadii abaarurhu ka jireen ee goboka Saaxil roobab dad iyo xoolaba lagu diirsadey, Alle mahad leh ee raxmadiisa nooshubay ee nagasoo jabiyey Abartii ba’neyd ee ka jirtey Gobolka saaxil,”ayuu yidhi Badhasaabka oo xalay u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org.

Badhasabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali saleebaan (Raxaan) waxaa uu sheegay gurmadkii heerka qaran ahaa ay kagaleen deegaanadii abaartu ka jirtey sadex boqol iyo kontan qoys ay u qeybiyeen raashin isla markaana kormeer dambe ay dhawaan ugu bixidoonaan xaalada ay kusoo qiimeyn doonaan “Gurmadkii heer Qaran aanu ka galnay deegaanadii Abaartu ka jirtay, waxaanu gaadhsiinay oo u qeybinay raashin noocyo kala duwan isugu jira sadex boqol iyo konton qoys. Raxmadiina waatan Illaahay shubay markaa waxan filayaa diiftii abaarta in laga soo reysanayo”. Ayuu badhasaabku.

Badhsaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa horaantii bishan shaaciyey inay gobolka Saaxil ay ka jirto Abaar afar jirsatey oo dad iyo xoolaba saameysay dowladba shiciba gurmad lasoo gaadhaan, Badhasaabku waxa sheegay in guud ahaan xaalada nololeed ee goboka Saaxil ay aad u fiican tahay wakhtiga Abaarka daba dheeraatey ka dib, waxaana badhasaaabka gobolka Saaxil tilmaamay in dhawaana gudiga abaaruhu ay warbixin ka soosaari doonaan xaalada Abaarta ee Gobolka Saaxil.

Yoonis Maxamed Jaamac
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com