Xukuumadda Somaliland Oo sheegtay inuu Hoos u dhacay fiditaankii xanuunka HIV/Aids-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Komishanka Qaranka ee la dagaalanka Aids-ka Maxamed Daahir Khayre ayaa maanta ka warbixiyey marxaladda Cudurka HIV-Aids uu ka marayo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu sheegay inuu ummadda ugu bushaaraynayo inuu hoos uga dhacay heerkii uu sanadkii hore marayey.

Md Khayre waxuu sheegay in awood la saaray gaadhsiinta bukaanka dawooyinka loo isticmaalo cudurkaasi isla markaana ay maalinba ta xigta soo kordhayaan dadka doonaya inay isa soo bandhigaan oo dawooyinka qaataan.

Gudoomiyaha oo ka hadlayey tirada dadka qaata dawooyinka waxuu sheegay in ugu yaraan Kun Ruux ay hadda Xafiisyada Komishinka ee Gobolada dalka ka qaataan dawooyinka.waxana uu cadeeyey in inkastoo khatarta Aids-ku ay weli tahay mid taagan hadana uu fiditaankiisu hoos ugu dhacay gudaha Somaliland qiyaas dhan 1.3%.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com