Wasaarada Caafimaadka oo ku baaqay In Taageero loo fidiyo adeega mishiinka kalyaha

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Gudida Cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargaysa ayaa maanta warbixino faahfaahsan ka bixisay Mashiinka Kelyaha sifeeya oo ay ku sheegeen in looga yimaado wadamada deriska.

Agaasimaha Cisbitaalka Dr. Axmed Cumar Askar oo ka mid ah gudida Cisbitaalka Guud ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada warbixintan loo soo diyaariyey loona gudbinayo taasoo uu ku tilmaamay inay tahay sidii taageero loogu raadin lahaa dadka u baahan sifaynta kelyahooda.

Md Axmed Cumar Askar waxuu munaasabadaasi ka xusay in helitaanka mashiinka kelyaha sifeeyaa ay tahay arrin ku adag dadweynaha dunida sadexaad inay helaan, ama isku daweeyaan.waxana uu ku baaqay in hadii la doonayo in hawsha mashiinka la sii horumariyo ama la joogteeyo ay lama huraan tahay in taageero loo helo isla markaana loo sameeyo kayd dhaqaale oo lagu ilaaliyo mashiinka mustaqbalka soo socda.

Agaasimaha Cisbitaalka guud wuxuu sheegay in wacyigelinta bulshadu ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso sida loogu dhiirin lahaa inay dadkeenu taageero u huraan mashiinka si loogu badbaadiyo bulshadeena maanta la tabaalaysan kelyo xanuunka.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Muxumed Maxamuud (X Xoog) oo goobjoog ka ahaa kulanka Gudida Cisbitaalka Guud ayaa isna codsi u jeediyey dhamaan umadda reer Somaliland sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen barnaamijka daryeelka mashiinka sifaynta kelyaha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com