Ururka WADANI oo Soo Bandhigay Mushaxariinta Golaha Degaanada ee Degmada Gar-adag

Gar-adag (Somaliland.Org)- Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa xaflad balaadhan oo uu ku qabtay magaalada Gar-adag ku soo bandhigay sideed musharax oo uga qaybgalaya tartanka doorashada dawlada hoose ee degmadaasi ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo dalka.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Dadweyne badan oo isugu jiray Cuqaal ,waxgarad ,haween iyo dhalinyaro iyo masuuliyiin ka socotay ururka wadani ,ayaa lagu qatya Huteelka Mann-galool ee magaalada Gar-adag.

Hinda Maxamed jaamac oo ka mida ururka wadani oo xafladaasi ka hadashay ayaa soo dhaweysay musharixiintan una hambalyaysay “Anigoo ku hadlaya magaca urur siyaasadeedka Wadani waanu soo dhaweynayaa musharixiintan oo waanu idinka gudoonay, balse waxaan bulshada reer Gar-adag ee soo xushay xubnahan kula dardaarmayaa inaad markasta la garab joogtaan taageeradiina iyo codkiina, ilaahayna waxaan uga baryayaa inay noqdaan kuwii guulaysta .” Ayay tidhi.

“Ururka Wadani magacaanu qaadanay,madaxdiisa ayaanu qaadanay , waayeelkiisa ayaanu qaadanay,dhalinyaradiisaanu qaadanay, haweenkiisaanu qaadanay, ubaxiisa yar yar aaynu qaadanay ,isha allaahu waa uu soo bixi doona, waana uu hogaamin doona dalka”.Sidaasi waxa yidhi Axmed Siciid oo ka mid odayaasha iyo waxgaradka degaankaasi gar-adag oo ka hadlay xafladaasi lagu soo bandhigayay musharaxiinta.

Sidoo kale, Xaliimo Bare Nuur oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa doorashada dawladaha hoose ee degmada Gar-adag oo ka hadashay xafladaasi ayaa balan qaaday inay bulshada ugu adeegi doonaan si daacad ah ,kana shaqayn doonaan horumarka degmadooda “Markii hore waxa la dooran jiray ragga, maantana waxaanu isugu jirna rag iyo dumarba markaa insha alluhu waxaanu rajo wayn ku qabna in aanu soo baxno, islamrkaana ka shaqayn doono horumarka bulshada,sidaas awgeed waa inay bulshadu na siisaa codkooda ” Ayay Tidhi.

Xafladan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha ururka wadani ee degmada Gar-adag Muuse Siciid Ayaanle , Cuqaal ,Waxgarad iyo dhaliyaro kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyay musharaxiintan , balan qaadayna inay taageeri doonaan.

Somaliland.Org/Burco