Dulucda Warbixintii u Dambeysay ee Suxufigii la dilay uu ka qoray Kooxda Khaatumo-seeg
Taleex (Somaliland.Org)- Kooxda Khaatumo-seeg ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ayaa ku guulaystay inay khaarajiyaan Tifaftirihii shabakada Taleex Media Marxuum- Maxamed Cali Cilmi oo Baabuurkii uu saarnaa si qorshaysan loogu dhuftay baabuur nooca xamuulka qaada ah Jimcihii la soo dhaafay.
Waxa dilka suxufigan sabab u ahaa warbixin uu todobaad ka hor dhimashadiisii ka qoray kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo-seeg oo uu ku xidhiidhiyay inay gacan saar iyo wada shaqayn ay la leeyihiin xarakada argagixisadda ee Soomaaliya. Warbixintaasi waxa kale oo uu Marxuumku ku balan qaaday inuu soo bandhigi doono magacyada shakhsiyaad ku nool wadamada reer galbeedka ee maal-geliya dilal qorshaysan iyo xaaladda nabad-gelyo darro ee kooxda Cali Khaliif ka waddo deegaamadda Sool iyo Buuhoodle. Waxaanu akhristeyaashayada sharafta leh aanu halkan ugu soo gudbinaynaa nuxurka warbixintii Suxufigaasi la dilay uu ka qoray Kooxda Khaatumo-seeg, taasi oo u dhignayd sidan:-
“Ka dib markii ay caddaatay in kooxda Khaatumo Seeg isu bedeshay argagaxiso isla markaana ay bilaabeen dagaal la mid ah kan lagu yaqaanay kooxda Al Shabaab ee u gaadhsiga saaxafadda madaxa banaan ayaa waxa ay shabakada Taleex Media go’aansatay in ay banaanka soo dhigto dhamaan tabaha qarsoon iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Al Shabaab iyo Khaatumo.
Muddo todobaad ah waxa ay shabakadu daaha ka roggotay shaqsiyada caada-qaate Axmed Karaash oo hada noqday “double agent” laba shaadhle u adeegaya Al-shabaab.
Shabakadu waxaa ay shaaca ka qaaday kulankii dhawaan Dooxada Nugaal uu kula qaatay kooxda Al Shabaab iyo qorshihii la doonayay in laga fuliyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland ee ahaa in weerar bambo gacmeed ah laga fuliyo degaamadfaas maadaama Shabaabku ku wareejiyeen Axmed Karaash 120 xabo oo bambaanooyin ah gaar ahaan nooca loo yaqaano F1. Waxaan hadaba todobaad ka dib soo gudbinaynaa sababta ay Shabaabku u danaynayso in ay wada shaqeyn la yeelato xubnaha shaadhka u soo xidhay shacabaka dulman ee SSC waa kooxda Khaatumo Seeg. Waxaan soo bandhigi doonaa hadalkii uu hogaamiyaha kooxda Al qaacida xidhiidhka la leh ee Al shabaab Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) ku amaanay mashruuca Khaatumo.
Waxaan soo gudbin doonaa kooxda u badan gacan ku dhiiglayaasha ee ku dhuumalayasanaya dalka Maraykanka isla markaana ku kulma shirarka taleefanada gaara ahaan kooxda isugu timaada qolka loogu yeedho 500 ee numbarkiisu yahay: +12189364343, Code: 500341. Qolkaasi oo ah halka laga soo abaabulu dilalka qorshaysan ee ay isu diyaarinayso kooxda Khaatumo. Waxaan shaaca ka qaadi doonaa magacyada islaamaha (dumarka) ladnaanta xamili waayay ee qarashka ku bixiyay in qof saxafi ah la soo dilo. Waxaan soo gudbin doonaa dhamaan codadkii taleefoonada ee aanu qabanay intii la bilaabay mashruuca Khaatumo Seeg kuwaaso ay ku jiraan haween ku yaboohaya iibinta hub sida baasuukayaal kuwaasi oo ku nool dalka Maraykanka.
Taleex Media uma joogsanayso caga juglaynta iyo hanadaad kasta oo kaga timaada mashruuca Khaatumo Seeg ee hada u xuubsiibtay aragagaxisada.Waxaan soo bandhigayaan magacyada iyo taleefanada dhamaan xubnihii ku luglahaa ugaadhsiga saxaafada madaxa banaan kuwaas oo aan xogtooda la wadaagnay hay’adaha amaanka ee caalamka gaar ahaan kuwa ay khusayso. Jeneraaladii dalwadii Maxmed Siyaad Bare ee 21 sano ka dib weli u muusoonaya daadinta dhiig Soomaaliyeed ayaan soo baandhigayanaa codadkii lagaga qabtay iyago waqtigan ku nool dalalka Galbeedka.Ugu Dambayntii waxaad Taleex Media todobaadkan ka heli doontaa dhamaan xogta kaa qarsoon ee ku aadan mashruuca Khaatumo iyo hadafkiisa dhabta ahi waxa uu yahay.”
Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com
