Badhasaabka Saaxil oo ka war-bixiyay baaxadda Abaaraha ee deegaamada xeebta
Xagal (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka dayriyay baaxadda abaaro ba’an oo ka taagan deegaamada xeebta iyo dhulka gubanka ah ee gobolkaasi.
Badhasaabku wuxuu sidaasi ku sheegay xog-waran uu wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ku siinayay degmadda Xagal oo 90KM dhinaca bari kaga beega n Magaalo xeebeedda Berbera.
“Runtii duruufta taalla gobolka Saaxil dad badan baa u yaqaanaa gobolkan mid isku filan oo dhaqaale badan leh Md. Madaxweyne Ku xigeen indhihiina ayaad ku aragteen duruuf aad u adag iyo abaar baahsan ayaa ka jirta deegaamadda xeebta iyo dhulka gubanka ah ee gobolka Saaxil oo dhan,”ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil.
Mr. Ramaax waxa uu ku dooday in gobolka saaxil uu yahay gobolka labaad ee ugu waddo xun dalka isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Gobolka Saaxil waa gobolka ugu wadada xun waxa na soo raaca Gobolka Sanaag. Waxaanu isleenahay idinka ayaa waliba ka sii waddo xun. Gobolka sadexaad wuxuu noqonayaa Awdal iyo Salal.waxaanu xukuumadda iyo caalamkaba mar labaad iyo mar sadexaadba u diraynaa qeylo-dhaan abaareed si loo samato-bixiyo bulshadda abaaraysan.”
“Maamul gobol ahaan inkasta oo aanu dedaalo oo aanu ka war hayno deegaamada gobolka saaxil ee abaaruhu ku habsadeen, haddana awoodayada gobol way iska kooban tahay oo waxaanu ka qaban karnaaba waa wax xadidan,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Badhasaabku waxa uu sheegay in Boqolkiiba todobaatan ay dadka reer Miyiga ah ka baxeen xoolihii ay haysteen.
Badhasaabku waxa uu ILAAHAY ka baryay inuu raxmaadkiisa u shubo oo ka soo jabiyo abaaraha ka taagan deegaamadda gobolka saaxil.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad u jeediyay dadweynaha degmadda Xagal, ayaa sheegay in socdaalkiisa deegaamadda Saaxil uu la xidhiidho socdaal la xidhiidha xog ogaal u noqoshada xaalada abaaraha ee dalka, waxaanu tilmaamay inuu hore u soo maray deegaamada gobolada Awdal iyo Salal oo ay ka jirtay abaar kululi.
“Dhibaatada abaareed ee dalka ka jirtaa way noo muuqataa waxaana aan u socdaa inaanu idinla qeybsano xaalada adag ee abaarta ka dhashay ee aad ku nooshihiin. Wixii aanu idinla qaban karnana waanu idinla qabanaynaa oo waxa idiin soo socda oo illaa sabtida idin soo gaadhaya raashin xukuumaddu ugu tallo gashay deegaanka Xagal oo loo asteeyay in 200 ee qoys ee ugu liita loo qeybiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Baaq culus iyo qeylo dhaan ka soo saaray abaaraha dalka, waxaanu carabaabay inuu rajaynayo in dalabkaasi beesha caalamku ka soo jawaabto.
Md. C/Raxmaan Saylici waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqay in dadkooda abaaraysan ka gargaaraan duruufaha adag oo ay caawiyaan.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
