Wasiir Xirsi oo Horseed ka noqday Olale Nadaafadeed oo laga fuliyay Madaxtooyadda
Hargeysa (Somaliland.Org)-Waxa saaka 6:00 Am Subaxnimo Olole nadaafadeed oo ay Hor ka cayaan Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa hormuud ka ahaa olale nadaafadeed oo saaka laga fuliyay xarunta Madaxtooyadda Somailand.
waxa kale oo olalahan ka dhex muuqday Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Mudane Xasan Cabdi Madar, Xoghayaha gaar ah ee Madaxweyne, Cali Axmed Cali, Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdilaahi Xarbi, Agaasimaha Xafiiska Xidhiidha Golayaasha, Arrimaha Bulshada iyo Siyaasada, Mudane Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada, Mudane Abshir Xasan Xaashi, Cismaan Aw Liqe oo ka mid aha Saraakiisha Xafiiska Xidhiidhka Dad weynaha, iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada madaxtooyada JSL, Gen, Faysal Kaamil Ciise.
Ololahan oo ahaa mid aanay u kala hadhin shaqaalaha madaxtooyada iyo Ciidanka Khaaska ah ee ilaalada madaxtooyada JSL, oo ahaa mid saacado qaatay haseyeeshe lagu guulaystay in saaka 9:30 Am Subaxnimo lagu guulaystay waxa si weyn uga dhex muuqday Wasiirka Madaxtooyada oo Dhiirigelin iyo tusaaleba u ahaa shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda Madaxtooyada, taas oo ay tusaale u noqon karto wasiirada kale ee ka hawlgala xukuumada Somaliland inay sidan oo kale ay maalin ugu soo baxaan nadaafada Dalka iyaga oo ugu horaysiinaya Wasaaradooda iyo wajahada agagaarkeeda.
Waxa isna Xusid gaar ah mudan Xildhibaan Nacnac oo ka qayb qaatay Ololaha saaka isaga oo metelaaya Xildhibaanada Somaliland tusaalena u ah in xildhibaan kasta ay waajib ku tahay in uu dadkiisa ku dhiiri geliyo wixii qurxin iyo Wanaagba u horseedaya Dalkooda
Somaliland.Org/Hargeysa
