Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay mowqifka xukuumadda ee xoriyatul qawlka

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta sodon suxufi oo ka kala tirsan warbaahinta Somaliland tababar hal maalin ah oo ku saabsan xeerka saxaafadda uga furay Hotel Impirial ee Magaalada Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo la hadlayey Suxufiyiinta loo furay tababarka ayaa sheegay inay lama huraan tahay in la helo Xukuumad iyo saxaafad Madaxbanaan oo isla jaanqaada si loo xaqiijiyo horumarka uu samayn karo wadankani.

Wasiirku waxuu sharaxay in hadii Xukuumaddu weydo cid toosisa oo tilmaanta ay suuragal tahay in ay fadhiid noqoto sidaana lagu waayo horumarkii loo baahnaa, halka sidoo kalena uu wasiirku xusay in saxaafadu xiliga ay wax toosinayso looga baahan yahay in sawir qoraal iyo maqal kasta oo ay baahinayso uu huwan yahay Milgihii saxaafadeed, asturaadiisii iyo dhaqankiisii.

Wasiirka oo ka hadlayey mowqifka xukuumadiisa ee ku aaddan hanaanka saxaafadda iyo xeerarkeeda ayaa sheegay in Xukuumadda maanta jirtaa ay diyaar u tahay in wax laga sheego si ay isu toosiso oo ugu baraarugto, iyadoo hadafka guud yahay sidii aynu u wada noolaan lahayn.

Ugu dambayntiina Wasiirka wasaaradda warfaafintu waxuu mahadnaq u jeediyey Kulliyadda sharciga ee Jaamacadda hargaysa oo soo qabanqaabisay tababarkan ay ka qayb qaadanayaan Sodonka Suxufi ee ka kala socday saxaafadda Somaliland.

Dhanka kalena waxa halkaa ka hadlay Gudoonka sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf iyo Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax halka sidoo kalena uu kulankaasi hadal ka jeediyey Maxamuud Xuseen Faarax oo ah hormuudka kuliyadda sharciga ee jaamacadda Hargaysa.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP