Wasiirka Maaliyadda Oo Xadhiga ka Jaray Dhismeyaal lagu kordhiyay wasaaradda Maaliyadda
Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaasha afar xarumood oo loogu talo gallay waaxda cashuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda.
Xarumahaas oo ku yaalla Degmooyinka Axmed Dhagax, Ibraahin Koodbuur iyo gacan Libaax oo dhamaantood ka tirsan caasimadda Hargaysa. ayaa hadal uu xarumahaasi ka jeediyey wasiirku waxuu ka waramay faa’iidada ay xarumaha noocan ahi u leeyihiin hawlaha ay u xilsaaran tahay wasaaradda Maaliyaddu, waxuuna ku dheeraaday qiimaha ay cashuur bixintu ugu fadhido qarankan JSL.
Md samaale waxuu aad ugu ammaanay dadweynaha Somaliland sida ay isaga xil saareen bixinta cashuuraha ku waajibay halka sidoo kalena uu ku dhiirrigeliyey qaybaha bulshada inay cashuurta bixinteeda u arkaan dhismaha qaranimo iyo daboolista baahiayaha adeegyada bulshada.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu mahadnaq u soo jeediyey dhinacyadii gacanta ka gaystay hirgelinta dhismayaashan loogu talogalay cashuuraha berriga, isagoo si gaar ah u xusay hay’adaha USAID iyo IOM.
Mas’uuliyiin iyo waxgarad ay ka mid yahiin DRS Adna Aadan Ismaaciil iyo gudoomiyayaasha degmooyinka dhismayaashan laga hirgeliyey ayaa iyaguna hadalo soo dhoweyn iyo ballanqaado ah ka soo jeediyey halkaasi.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
