Shirkada Nubian Gold Corporation oo Shahaado Sharaf Ku Maamustay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland
Hargeysa(Somaliland.Org)- Shirkada Nubian Gold Corpotation ah ah shirkad caalami ah oo laga leeyahay dalka Canada oo ka shaqaysa soo saarista macdanta ayaa munaasabad balaadhan oo ay ku qabatay Hargeisa gudoonsiisay shahaado sharafyo haldoorada shaqaalaheeda Somaliland.
Munaasabadan oo ka dhacday hotel crown ee magaalada Hargeisa, waxaa kasoo qayb galay, gudoomiye ku xigeenka shirkada Md. Maxamed Omar Ismaaciil, engineer Mathu Mazieres oo ka socday shirkad fararsiis ah oo loo yaqaan Arethuse Geology ahna ingireerka Geologist -ga ah ee horkacayay mashruuca sahminta macdanta, agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha, cuqaal, waxgarad, shaqaalahii shirkada iyo marti sharaf kale.
Shaqaalaha la gudoonsiiyay shahaadoonyinka waxay iskugu jireen, geologistiyo iyo sahamiyayaal. Waxaanay dhamaantood kahawl galaan aaga ayka socotay sahaminta macdantu.
Inkastoo ay ka maqnaayeen madasha, waxaa madasha lagusoo ban dhigay shahaado sharafyooyin lagu maamuusayo doonka laxaadka leh ee ay kaciyaareen sidii ay shirkadani uga furan lahayd xarun Somaliland iyo habsami socodka shaqooyinkeeda. Shahaado sharaf-yooyinkaas waxaana lagu maamuusay, Madaxweynaha ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Biyaha iyo taliyaha ciidamada amniga ee xeebta.
Ugu horey Md. Maxamed Osman Ismaaciil oo ka hadlay madasha ayaa sheegey in shirkadani tahay shirkadii ugu horeysay ee heer caalami ah ee wadanka ka bilawda hawlahan macadam baadhista oo kale. Waxaanu sheegey in ay door laxaad leh ka ciyaari doonto dadaalka ladagaalanka bilaa camalka ee da’yarteena.
Md. Maxamed wuxuu intaas sii raaciyay, “hawshaanu galnay ilaahay wuu nagu guuleeyey oo waxaa noo suuro gashay in aanu mudo laba bilood ah oo baadhitaan ah in aanu Sample-kii ugu horeeyay u dhoofino Kanada si loosoo baadho. Waxaananu iminka sugaynaa natiijadii”.
Agaasimaga guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha oo isna gabagabadii madasha hadal kajeediyay ayaa isna xusay in hawsha shirkadu wado amaanteeda leeyahay inkastoo wali lasugayo natiijadii baadhitaankadooda macdanta.
Shiradan Nubian Gold Corporation waa shirkadii ugu horeyasay ee ajaanib ah ee sitoos ah uga bilawda dalka baadhitaanka macdanta. Waxayna sanadkii ina dhaafay ka bilaabeen baadhitaanka macdanta aaga xeebaha khaasatan Bulaxaar.
Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com
