Taliyaha Booliska oo socdaal ku tagay magaalada Laascaanood
Laascaanood (Somaliland.Org)-Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/laahi Fadal Iimaan ayaa maanta kormeer ku soo maray xarumaha booliska ee Magaalada Laascaanood.
Taliyaha oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Sool ,Duqa Magaalada Laas caanood ,Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Booliska,Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa waxaanu soo idho indheeyay Jeelka Weyn ee Magaaladaasi oo ay hawl gal dib u dhis ahi ka socdo,iyo saldhigyada degmada Laascaanood.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland C/laahi Fadal Iimaan waxaa kale oo uu kulan la yeeshay Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa Magaalada Laascaanood isagoo ka dhagaystay warbiximaha dhinaca amniga ee Magaaladaasi.
Kormeerkan uu Taliyaha Ciidanka Boolisku ku tagay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa noqonaya safarkiisii 1aad ee uu ku maro gobolada dalka tan iyo intii loo magacaabay xilka Taliye-nimo.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
