Yuu Cashar u yahay Laab-lakicii Burburay? Cumar M.Faarax
Waxa bilo kooban sida xumbadda oo kale u gudhay fikraddii laab-lakaca ku dhisnayd. Waxa dadweynuhu ay candhuuftooda dib uga liqeen, markii ay quus ka istaageen riyadii qurbaha laga soo waariday ee uu nashaqadeeyay Cali Khaliif Galaydh oo lagu nisbeeyay aqoon yahan baaqsaday.
Waxa ka hortimid waaqaca rasmi ah ee ay indhaha ka qarsadeen. Waxa albaabadda ka soo xidhay kooxihii dhaqaalaha ay kaga heli jireen dadweynahooda ay dabka saareen. Xaaladu way ku soo taag-taagan tahay, waxay u joogaan gabaygii hal-hayska noqday ee xiligii uu Jabay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan baydkiisii ahaa “Caamir waa saleelee anaa haatan caymadi,”
Waa hadal-xumo inteeda leeg, waa fashilaad nin siyaasiya ku dhacday tii u xumayd. Qofka kastaa ku qosol. Waa Axmed Karaash oo sheegta inuu yahay Hoggaamiyaha Kooxdii Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh, kooxdaasi oo aan itaal meel uu dhigayba aan u yaraysan inay awooda saaraan sidii ay nabad-gelyo darro uga abuuri lahaayeen deegaamada Sool iyo Buuhoodle.
Waxa uu warbaahinta isla soo taagay inuu ku dhawaaqo inay taageero ka waayeen bulshada deegaanadaasi oo uu tilmaamay inaanay ku baraarugsanayn halganka ay ku jiraan. Wuxuu sheegay inay bilaabayaan inay dhacaan hantida kala duwan ee deegaamada Sool iyo Buuhoodle, si ay u helaan dhaqaale ay ku soo abaabulaan dagaal ay ku soo qaadaan ciidamadda qaranka.
Mr. Karaash waxa uu dooxay qasdiga dhabta ah iyo ajande xumadooda. Waxa uu rayul caamka u bayaamiyay inay dadweynaha gobolada uu ka soo jeedaa ay u bohol-yoobeen nabad-gelyadda isla markaana ay ka gudbeen in koox qurbo-joog ahi ay danahooda siyaasadeed ku gaadhaan.
Waxa daruuri ah inay xukuumadda Somaliland ka faa’iidaysato fursadaha nabad-gelyo ee ka soo baxday deegaanadda Sool iyo Buuhoodle. Waxa ciidammada qaranka la gudboon in kooxahan cadaystay inay budhcadeynayaan oo dhacayaan hantida shacbiga ay ka qabtaan isla markaana ay ka tir-tiraan oo ay ku weeraraan degmada Taleex ee gobolka Sool oo ah goobta kaliya ee kooxdan burburtay saldhiga u ah.
Waxa kale oo ay dhacdadani jaanis u tahay Saleebaan Xaglo-toosiye oo todobaadkii hore kulan uu magaalada Dubia kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland, ku balan-qaaday inuu nabada deegaankiisa kala shaqayn doono Somaliland.
Waxa iyana burburka kooxda Khaatumo-seeg ay fariin u tahay dhalinyaradda Sool iyo Buuhoodle oo ku baraarugaya xeelado ay hadba kooxo magacyo la baxay saar qabiil ku soo dagaal-gelin jireen.
Waxaanay dhegaha ka furaysan doonaan fikradaha dibada laga soo waariday iyo riyooyinka aan rumoobayn ee lagu khamaarayo nabad-gelyadooda iyo mustaqbalka deegaankooda oo ka qatan horumarka ay gobolada kale ee Somaliland ku tallaabsadeen.
