Weftigii Wasiirka Daakhiliga oo booqday Jaamacadda Ceerigaabo
Ceerigaabo (Somaliland.org)- Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa booqday jaamacada Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo.
Waxaana Wasiirka socdaalka ku wehelinayay Wasiirka xanaanada xoolaha Md Cabdi Aw Daahir Cali, wasiir ku xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, masuuliyiinta heer gobol heer degmo iyo xubno kale. wasiirka arrimaha guddaha iyo guddoomiyaha baanka, iyo xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (waabeeyo), badhasaabka gobolka, maayarka degmada.
Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed |Nuur Caraale (Duur) oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta maamulka heer gobol heer degmo waxaanu ku amaanay dedaalka dhinaca horumarinta gobolka waxaana uu sidoo kale u mahad celiyay jaaliyadaha debeda, oo uu sheegey in dhismahan uu yahay balan qaadkii madaxweynaha mar uu socdaal ku yimid gobolka Sanaag.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegey in marwaba ay diyaar u yihiin horumarka gobolka waxaanay waftigu kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee jaamacada waxaanay kulan xog-waraysi ah la yeesheen musuuliyiinta jaamacada, iyada oo uu halkaasi war bixin kooban kaga dhegeysteen ku simaha maamulka jaamacada C/risaaq Cali Hayaan, oo ku dheeraaday xaaladaha baahiyeed ee jaamacada.
Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday soo yaalkii taarikheed ee aasaska jaamacada Sanaag waxaanu sheegey in ay kawada qayb qaateen shacabka ku dhaqan magaalada qurba jooga, maamulka degmeda, waxaanu maayarku u mahad celiyay xukuumada uu hogaamiyo madaxwayenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsanyahay hirgelinta dhismahan ay xukuumadu hirgelinayso.
waxa isna halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal, isaga oo ka marag kacay baahiyaadka jaamacada, waxaanu tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay hirgelinta dhismahan.
Wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Md Cabdi Dirir Cabdi waxaanay geestooda ka warameen in ay wax kasta oo lagu horumarinayo jaamacada ay ku dadaali doonaan.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
