Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay cidii fulisay falkii lagu dhaawacay Gudoomiye Duraan

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu daboolka kaga qaaday inay ciidanka Boolisku ay si rasmi ah maanta gacanta ugu dhigeen cidii geysatay falkii isku dayga dil ahaa ee lagu dhaawacay 11-kii bishan June Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/Rashiid Maxamed Maxamuud.o

Wadahadaladda Somaliland iyo Somalia waxay marayaan door mug weyn oo ahmiyad inoo leh

Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo door xilkasnimo iyo muwaadinnimo weyni ku dheehantahay u gudanaysa hawlaheedda Xukumadeed tan iyo intii kursiga dalkan looga arimiyo ay kala wareegtey hogaamiyahii hore Mudane/madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xaqiiqdii isaga laftiisa iyo masuuliyiintii Xukumadiisu qabtay wax badan oo lagu faano sidda doorashooyinkii dalkan laga hirgeliyey […]

Madaxweynaha oo ku hambalyeeyay shacabka 52-guuradii markii la dhidbay Calanka Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba munaasibadda 52 guuradda ka soo wareegtay markii 26-kii Bishii June 1960-kii ay Somaliland xornimadeedii ka qaadatay mustacmaraddii Ingiriiska. Xiligaasi oo ay noqotay halkii u horeeyay ee laga taago calan Soomaaliyi leedahay.

Waa Xildhibaanaddii ! Faallo… Cumar M.Faarax

Ciise Cabdi Ducaale, waxa uu baarka ka jaray da’da todobaatameeyadda. Waa haasaawe ruug, aftahamo xeel dheer leh. Waa dhaqan aqoon gaaso-baxay oo bulshadda iyo gedihiisuba ay afkiisa uun dhawraan. Ma hadal badna laakiin wuxuu marka uu wax ka hadlayo gudbiyaa ereyo kooban xikmad leh oo maadi ku lammaan tahay. Ciise waxa uu degan yahay magaaladda […]

Guddiyada Nabad gelyada ee Degmooyinka Hargeysa oo Taageeray Go’aamadii SHirkii London

Hargeysa (Somaliland.Org)- Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiyada Nabad gelyada ee shanta Degmo ee Caasimada Hargeysa, ayaa waxa ay si weyn ugu soo bandhigeen taageerada ay Bulshadu u hayso go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in ay Somaliland guul fiican ka gaadhay siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo nuxurkii ka soo baxay shirkii London.

Wasaaradda Duulista Oo Beenisay in Khilaaf soo dhex galay Masuuliyiintooda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland Siciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) ayaa beeniyay warar sheegayay in Wasiirka wasaaraddaasi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Agaasimihiisa Guud Axmed Dalal Faarax uu soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay lacago qaar ka mid ah warbaahintu ay sheegtay in agaasimaha guud u qoray qaar […]

An interesting interview with Mr. Liban Ahmed Ashur – the former Chief of State Protocol & International Cooperation at the Somaliland Ministry of Foreign Affairs.

The following interview was given to visiting Canadian journalists, scholars and researchers in Hargeisa by Mr. Liban Ahmed Ashur, the former Chief of State Protocol and International Cooperation at the Republic of Somaliland’s Ministry of Foreign Affairs. Prior to our arrival we contacted him and asked if he’d be interested in sharing his perceptions and […]

Madaarka Berbera Oo Markii Ugu Horeysay Ay Soo Cago-dhigtay Diyaarad ah Air-bus

Berbera (Somaliland.Org)- Madaarka magaalada Berbera ayaa shalay markii ugu horeysay ay soo fadhiisatey diyaarad nooca loo yaqaan Air Bus oo ay leedahay shirada diyaaradaha Jubba Airweys. Diyaaradan Air Bus ayaa xiligii ay fadhiisanay Madaarka Berbera waxa goob-joog ahaa Wasiirka Wasaarada Duuslista Hawada Md, Maxamuud Xaashi Cabdi, Agaasimaha waaxda duulimaadyada diyaaradaha ee wasaarada Duulista Hawada Mr. […]