Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaarada Daakhiliga oo Tababar u xidhay Dambibaadheyaal Boolis ah

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa maanta tababar u soo xidhay dufcad ka tirsan dembi baadhayaasha ciidanka Booliska Somaliland, kuwaasi oo uu muddo 45 maalmood ah tababar uga socday Xarunta Taliska Guud ee Booliska.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kor loo qaado aqoonta baadhitaan ee Ciidanka boolisku leeyahay ay kor u qaadi karto caddaaladda iyo garsoorka, isla markaana ay yarayn karto maxaabiista oo ciidamada asluubta dhibaato ku haysa.
Taliyaha waxa uu u soo jeediyey Ciidanka booliska in kor loo qaado xirfada iyo aqoonta Taliyayaasha saldhigyada Booliska dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in 38 xubnood oo dembi baadhayaasha Booliska Somaliland ah oo muddo 45 maalmood ah tababar u socday kuwaasi oo la siiyay duruus la xidhiidha shaqadooda si kor loogu qaado adeega xasaasiga ah ee ay u hayaan bulshadda.

Taliyuhu waxuu sheegay in xubnahani barteen Xeerka ciqaabta guud iyo xeerka habka ciqaabta, sidoo kalena ay aqoon korodhsi ka heleen maadooyinka ay ka mid tahay Xuquuqda aadanaha, Xeerka lacagaha, Sharciga Taraafikada, Xeerka caruurta sharciga khilaafta iyo gargaarka degdega ah.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ka hadlay madashaasi ayaa saraakiishan tababarku u xidhmay u soo jeediyay inay macluumaadkii ay ka korodhsadeen tababarkan ay ku dabaqaan hawl-maalmeedkooda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com