‘Murashaxiintu Cirro iyo Gaboose uun ma aha Waana laga yaabaa in beeshu soo Jeediso..’

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Wasiirkii hore ee wasaaradda duulista Hawada Somaliland Mr. Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galay shirka beelaha Habar-yoonis Jimcihii shalay uga furmay Buurta Daallo ee duleedka Ceerigaabo, ayaa sheegay inay suurto-gal tahay in shirkan lagaga hadlo sidii loo kala reebi lahaa siyaasiyiinta quudaraynaya inay isu soo sharaxaan jagada madaxweynimadda Somaliland.

Cali Waran-cadde waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay shirkan beeleed oo uu ku sifeeyay mid beeli ay dantooda wax iskaga weydiinayso isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Shirkani wuxuu ahaa shir ay beelaha Habar-yoonis qabsanayso oo muddo laga shaqaynayay. Markii hore waxa xoogaa la isku qabtay xiliga la qabanayo, shirkiina reerka Intiisii badnayd waxay isku raaceen 29-ka Bishan inuu furmo, markaa shalay ayuu shirkii sidii la rabay u hirgalay oo uu furmay. Anigu waxaan ka mid ahaa ergooyinkii tagay Ceerigaabo markii aanu eegnay ergooyinka badan ee yimid shirka, waxaanu dhinacyadii ku mursanaa wakhtiga aanu ku dhex dhexaadinay inuu shirku furmo Jimcihii shalay waxaanu u furay si wanaagsan.”

Wasiirkii hore oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Shirku Jimcihii ayuu furmay Axada Barina waxa la qaybinayaa ajandihii shirka. Waa shir caadi ah oo beeli danaheeda ku darsayso waxna iskaga weydiinayso. Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin wax dhibaato ah oo shirka ka soo baxaysa. Waxa lagaga hadlayaa uun danta beesha iyo horumarinta qaranimadda Somaliland.”

Mr. Waran-cadde waxa uu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay qaabka ergooyinka ardaayadda beeluhu uga soo qeyb galeen shirka iyo sida uu ku furmayba, waxaanu xusay inuu ka filayo in si weyn loogu falan-qeeyo danaha beeshiisa.

Wasiirkii hore ee Duulista hawadda oo aanu weydiinay in shirkan laga yaabo in beeshaasi ay ajandaha ku soo darto sidii loo kala reebi lahaa Guddoomiyeyaasha Ururadda WADANI iyo UMMADA Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu ku jawaabay “Runtii ajandihii wali lama qeybinin oo ergooyinka waxa loo qeybinayaa Axada bari, murashixiinta beeshuna Gaboose iyo C/Raxmaan Cirro uun ma aha ee waxaanu nahay sadex oo anigu xataa waxaan ahay murashax madaxweyne. Waa laga yaabaa in qeybaha u dambeeya ee shirka lagu soo qaadi sidii murashaxiinta beesha loo soo jeedin lahaa inay mid uun u daayaan. Waana suurto-gal oo beesha Habar-yoonis way samayn karaan arrintaasi si cududa beeshu meel u wada marto.”

“Waxaan shirkan u rajaynayaa inuu guulaysto oo wax danta beesha u wanaagsani ka soo baxo,”ayuu yidhi Cali Waran-Cadde oo caawa khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com