Hargeysa: Dadweynaha iyo Dareenkooda Kulankii madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Bulshada Somaliland ayaa dareenno kala duwan kaga fal-celiyay celiyay baaqii afarta qodob ahaa ee khamiistii ay magaaladda Dubia ee xarunta Imaaraadka carabta ay ka soo saareen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Shariif Sh. Axmed. Ka dib kulan taariikhi ah oo ay isku hor-fadhiisteen markii koowaad muddo ku siman 21-kii sanadood ee Somaliland madax-banaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya.

Dadweynaha waxay inta badan doodoodu u badnayd mid togan oo ay u arkayeen inay tahay inay Somaliland iska furtay caqabad iyo albaab bir ah oo ku gudbnaa isla markaana ay xiligan heshay hilinkii ay u mari lahayd baadida aqoonsiga ka maqan ee ay ku taamayso. Wayse jireen kuwo badan oo ka mid ah maqaarka dhanka xun ka ursadda oo ku doodayay in israacii Soomaaliya soo dhawaaday.

Rayul caamka bulshaddu waxay u qabeen inay kulankii u horeeyay ee labadda madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia uu ka turjumayo dhacdo taariikhi ah oo loogu dhawaanayo yoolka Somaliland ku doonayso inay beesha caalamka kaga ka hesho aqoonsi dublamaasiyadeed.

“Waa kulan taariikhi ah shirkii labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ay isku hor-fadhiisteen magaalada Dubia, waxaan qabaa inay tahay in Somalia ay qadar soo miyirsanayso oo ay yaqiinsatay inay Somaliland u hor fadhiistaan dal madax-banaan oo la siman. Taasi waxay ahayd dhacdo aan wax loo dhigaa jirin oo Somaliland u suurto-gashay,”ayuu yidhi Oday Ibraahim Ismaaciil oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan waxgaradka magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Xildhibanaadda aqalka Odayasha Somaliland, ayaa ku tilmaamay shirkii labada madaxweyne mid hor-dhac ah oo dariiqa u xaadhaya sidii mustaqbalka ay uga wada hadli lahaayeen aqoonsiga Somaliland.

“Waxaan soo jeedinayaa in dadweynuhu ku caloolsamaadaan kulanka labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, waa kulamo hor-dhac ah oo aynu ku qancinayo Somalia madax-banaanideena. Waa bilow waanay inoo soconayaan muddo illaa dawladda Soomaaliya ee bedeli doonta TFG-da imika,”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Waxa kale oo bulshadda reer Hargeysa ay ku sifeeyeen qodobadii laga soo saaray kulankii labada madaxweyne kuwo nuxur ahaan aan sidaasi u sii shishlayn hase yeeshee dhiiri-gelinaya inay labada dal sii wadaan wada xaajoodkooda la xidhiidha iskaashiga mustaqbalka ay yeelan karaan.
“Waxaan jeclaan lahaa in markaba Soomaaliya lagu qanciyo madax-banaanida Somaliland, hase yeeshee waxaan filayaa inaanay TFG-da Soomaaliya aanay xiligan awood u lahayn, balse waa inaynu dawlada soo socota ee Somalia kala hadalo qadiyadeena,”ayay tidhi Saynab Cabdi oo ah arday jaamacadeed oo degan magaaladda Hargeysa.

“Wada hadalku waxa uu sidiisaba keenaa is faham iyo in la is qanciyo. Waxaan qabaa inay Xukuumadda Somaliland inaga saartay xiligan go’doon siyaasadeed oo muddo dheer aynu cuqdad ka qabnay inaynu hor fadhiisano oo la doodno Soomaaliya,”ayuu yidhi Aqoon yahan Cali Salaan Jirde oo ka mid ah mutacalimiinta la dhacay dhaqdhaqaaqyaddii u dambeeyay ee xukuumaddu ka samaysay siyaasada dibada Somaliland oo uu ku sifeeyay mid kambal daaq ahayd.
Waxa iyaguna jiray dad aan sidaasi u sii badnayn oo aaminsanaa inaanay haboonayn inay Somaliland dalalka Carbeed kula shirto Soomaaliya, waxaana dadka aaraa’daas qabay ay ku eedeynayeen dunida carabta in yihiin cadowga iyo caqabadaha waaweyn ee Somaliland.
Waxa kale oo jiray dad qabay aragtiyo taban oo ku doodayay in wada hadalka Somaliland iyo Somalia uu saamayn xun ku yeelan doono mustaqbalka Somaliland. Waxaanay doodooda ku sabobaynayeen inaanay munaasib ahayn inay Somaliland wada hadal la furto dawlad cimrigeedii uu ka hadhay sodomeeyo maalmood.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxa rayul caamka bulshadu ay bogaadiyeen itijaaha siyaasadeed ee xukuumaddu ay ugu xaydatay inay kaga midho dhaliso aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka. Waxaanay ku baaqayeen in wada hadaladdu ay sii socdaan iyadoo taxadar weyn laga yeelanayo dabino lagu suul-daarayn karo madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com