Xisbiga KULMIYE oo Doorashadda Deegaanka u sharaxay Murashax Kasbaday Taageero Xoogan

Hargeysa(Somaliland.Org) – Xisbiga muxaafadkaah ee KULMIYE ayaa golaha deegaanka Hargeysa u soo sharaxay Cabdiraxmaan Maxamamuud Caydiid (Soltelco) oo ka mid ahdhalinyaradda reer Hargeysa ee hamiga siyaasadeed la yimid.

Xaflad balaadhan oo lagushaacinayo musharaxnimada Cabdiraxmaan ayaa loogu qabtay hoolka weyn ee HotelMaansoor ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo lagu marti-qaaday 2000 oo ruux, kuwaasoo tiraddooda faraha badan ka sokow muujiyey sida ay u taageersan yihiinmusharaxan u tartami doona golaha deegaanka ee Hargeysa.

Munaasibadan loo sameeyeymusharaxan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga talada haya u matali doona xisbigaKULMIYE , ayaa waxaa ka soo qayb-galay hoggaanka sare ee xisbiga taladda hayaee Kulmiye, oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi MaxamedKaahin Axmed, gudoomiyaha garabka haweenka Kulmiye, Xoghayaha guud eexisbigaasi Xasan Siciid Yuusuf, gudoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbigaasi, agaasimahasamafalka ee madaxtooyadda, madaxdhaqameed, Haween iyo dhalinyaro aad u badan.

Waxa halkaasi afka dhalinyaraddaku hadlay Cabdikariin Axmed Mooge oo sheegay in musharaxani u matalayodhalinyaradda reer Hargeysa, isla markaana uu doonayo sidii caasimadda Hargeysiula tartami lahayd kuwa caalamka, isagoo dadweynaha inta wax qabadka jecel usoo jeediyey inay taageeraan musharaxandhalinyaradda ah.

Waxa iyana halkaasi ka hadashaygudoomiyaha garabka Haweenka Xusni Maxamed Xasan oo taageerayaasha Kulmiye kuboorisay inay soo saaraan, isla markaana ku dadaalaan dadka wax qabadka muuqdadoonaya inay qabtaan, iskana ilaaliyaan dadka isku soo sharaxaya inay waxcunaan.

Waxa isna halkaasi ka hadlaymusharaxa golaha deegaanka u tartami doona Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid,isagoo sheegay haddii uu tartankaasi ku guulaysto in aanay dib dambe u dhicidoonin dhul danguud ah oo la iska cuno, isla markaana, waxaa uu sheegay in wax looguqaban doono cashuuuraha laga qaado dadka masaakiinta ah.

Musharaxu isagoo waxa ku dhaliyeyka qaybgalka tartankan ka hadlaya waxa uu yidhi “Hargeysi waa magaaladii aan kudhashay, wax ku bartay ee aan ku koray, maanta ma ihi nin ka shaqaysanaya ee waxaan ahay nin ushaqaynaya, waxaan ka shaqayn doonnaa bilicda magaaladda oo aan ku dedaalidoono in aan qaado qashinka meel walba yaala, bilicda magaaladda waxa kow ka ahdeegaanka markaa waa in deegaanka la ilaaliyo, waxaan samayn doonna mashruucaan dhir ugu biirayo oo sanad walba toban kun oo geed la beero, wadooyinkuwaxay u baahan yihiin marin biyood uu doodku maro haddii kale wadadaasi ma siijirayso, waxaan halkan ka balanqaadi doonaa marin biyoodyo ay magaaladda biyuhusi fiican uga baxaan, walaalayaal waxa Hargeysa u sharaxan 224 qof, ninna waxbaka sheegi maayo, laakiin idinka ayay idiin taallaa siddii aad aqoonyahka uga xulanlahaydeen, waxaan halkan idinka balanqaadaya haddii halkan uu yimaadoxildhibaan doonaya inuu wax cuno aanay u suurtoobin.” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ka waramaywaxyaalo badan oo uu niyadda ku hayo oo uu damacsan yahay haddii uu kuguulaysto inuu qaban doono, isagoo taageerayaashiina ka codsaday inay kutaageeraan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inhab xisaabeedka ay ku shaqayeen dawladda hoose ay wax ka bedeli doonaan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlaygudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muj:Maxamed Kaahin Axmed oodadweynaha ku dhiirigaliyey inay taageeraan musharaxan, isagoo tilmaamay inhaddii musharaxan la soo saari waayo uu taageerayaashiisa ku leeyahay qaan. “Cabdiraxmaaninamaddayadii buu ahaa xisbiga ayuu ka mid ahaa haddii aad soo sharaxdeen aadbaan idinkaga mahad celinayaa, waxahalkan uga mahad celinayaa Xildhibaan Yuusuf Kirix, go’aanka uu halkan kaqaaday nacasku ma qaato, waana go’aankii raganimadda lahaa ee nin raggi qaadanjiray ee markii uu da’yaraa uu halganka kaga qaybgalay isagoo dhalinyaro ah.Yuusuf waxa uu ka soo shaqeeyey halgankii koonfur ilaa waqooyi, meelo badan ayuuka soo dagaalamay, waxaanu Yuusuf ka mid yahay odayaasha xisbiga.

Waxaan taageerayaashan usheegayaa in muuqaalka ay xafladani leedahy oo kale ay codkana ku siiyaan,haweenka iyo dhalinyaradda waxaan leeyahay inay hawsha la galaan oo aytaageeraan mar haddii mujaahidkii noo sharaxnaa u (Yuusuf Kirix) tanaasulayhaddii aad keeni waydaan waanu idin qabsanaynaa oo qaan baan idinku leenahay eeogaadda” Sidaas ayuu yidhi, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlayxoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, waxaanu sheegay inuuisagu ka mid ahaa ragii ku dhiirigaliyeyinuu isa soo sharaxo, maadaama oo Hargeysa noqotay meel boodh badan, warbixinocaalami ah oo laga qorayna waxay caasimadda ku tilmaameen qaar aan lagu noolaanKarin qashinka iyo boodhka dhex yaalla,sidaa darteed loo baahan yahay in dhalinyaro wax ka bedesha la doorto oo oohintaHargeysa laga bi’iyo. “Walaalo magaaladda Hargeysi way ooyeysaa, waxay leedahay Hargeysi meedadkaygii, maxaa ku dhacay dadkii reer Dubuluq, Sheedaha, Laanta hawadda,Qudhacdheer mee dadkaygii maxaa ku dhacay maxa dulinimada iigu wacan, maxa qashinkaboodhka iyo dhagaxa ka jira maxaa la iiga hagaajin waayay ayay leedahayHargeysi, maxaa ku dhacay camuudaydii wanaagsanayd ee udgoonayd”ayuu yidhixoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo taageerayaasha ku booriyey inaydoortaan dad waxtar u leh caasimadda Somaliland.

Waxa iyaguna musharxnimaddaCabdiraxmaan Soltolco taageeray waxgaradka, cuqaasha beesha uu ka soo jeeddo,kuwaas oo sheegay inay hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin, waxaana halkaasika hadlay Caaqil Cabdirisaaq Axmed Caqli, Suldaan Ibraahim Sulub Nuur,kuwaas oodhamaantoodba sheegay inay ka go’antahay inay taageeraan.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi kahadlay gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ee xisbi Kulmiye Khadar Cabdi Baadil. Waxanauu sidoo kale ku booriyay taageerayaasha inay soo saaraan murashax CabdiraxmaanMaxamuud Caydiid. Si kastaba ha ahaatee, munaasibaddan ayaa muujisay baaxaadaawoodda teegeero ee Cabdiraxmaan ku leeyahay Hargeysa.

Somaliland.Org/Hargeysa