‘Waxaan ka filaynaa kulanka labada madaxweyne natiijo u wanaagsan qadiyadda Somaliland’

BERBERA (Somaliland.Org)- Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in weftiga Madaxweynaha Somaliland kula kulmayo dalka Imaaraadka Madaxweynaha TFG-da Soomaaliya ay ka filayaan inay ka soo baxdo kulankaas natiijo u wanaagsan qadiyadda iyo madax-banaanidda Somaliland ee aan gor-gortanka lahayn.

“Socdaalkan weftiga Madaxweynuhu ku tagayo dalka Imaaraadka ee uu kula kulmayo Madaxweynaha TFG-da Soomaaliya wuxuu daba socdaa shirarkii kala dambeeyay ee London ku qabsoomay. Waxa jirtay in dhawaan ay wufuud ka kala socotay labada dawladood ay wada hadaladii gogol xaadhka ahaa ku yeesheen magaaladda London. Kulankaasi waxa ka soo baxay ku wajahan wada hadalka labada dal. Qodobadii shirkaasi ka soo baxay ayay qeyb ka ahayd in madaxweyneyaasha labada dalna is arkaan oo kulmaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda oo galabta intii aanay ka dhoofin madaarka u waramayay saxaafaddu.

Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay samaysay tallo wadaag iyo dhaqan dimuqraadiyadeed bisayl ka turjumaya. Waxaanu xusay in weftigan uu xubin ka yahay madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisan ku wehelinaya Marwada koowaad ee dalka Somaliland Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Ahna Madaxweynahii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Hudda Barkhad, Gudoomiyaha Xisbiga Tallada Haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com