SLNTV oo xalay si toos ah u tabiyay munaasibaddii 26-ka June iyo Agaasime Dhuxul Oo ka hadlay

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Telefishanka qaranka Somaliland ayaa xalay markii u horeysa bilow illaa dhammaad si toos ah u tabinayay Munaasibaddii lagu xusayay sanad-guuradii 52-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadeeddii ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda.

Agaasimaha Telefishanka qaranka Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa tallaabaddan ku tilmaamay mid guul ah oo qeyb ka ah qorshahooda la xidhiidha horumarinta iyo taabo-gelinta TV-ga qaranka.

“Telefishanka qaranku xalay muddo dhawr saacadood ah ayuu si toos ah u soo tabinayay munaasibaddii 26-ka June lagu xusayay ee madaxtooyadda. Inkasta oo ay TV-yo kale oo si toos ah u tabinayay ay iyaguna jireen haddana sida uu TV-ga qaranku Live-ka u sii ahaa umay ahayn. Waxaan Leeyahay ILAAHAY arrintaasi wuu nagu guuleeyay xalay,”ayuu yidhi Agaasimaha Telefishanka qaranku.

Mr. Dhuxul waxa uu u mahad celiyay Wasiirka warfaafinta oo uu tilmaamay inuu mudadii yarayd ee uu xafiiska joogay ka xaliyay dhibaatooyin sanado haystay TV-ga, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan u mahad naq iyo ammaan halkan uga soo jeedinayaa Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta oo uu ugu Horeeyo Wasiirka Md. Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe oo runtii xaliyay dhibaatooyin sanado badan haystay TV-ga SLNTV. Waxaanna ka mid ah inaanu helo qalabkan lagu gudbiyo baahinta Live-ka ah oo ku kacay lacag aad u badan oo illaa afartan kun oo Dollar ah ayuu markii uu xilka qabtayba noo suurto-geliyay inuu noo soo iibiyo.”

“Waxa kale oo aan u mahad naqayaa agaasimihii guud ee hore Faysal Cali, waxa nasiib wanaag aan soo dhawaynayaa agaasimaha cusub C/Rashiid Jibriil oo isagu ku soo beegmay xili uu horumar iyo awood muujiyay TV-ga Qaranku,”ayuu yidhi Agaasimaha Telefishanka qaranku.

Mr. Dhuxul waxa uu si weyn ugu mahad celiyay shaqaalaha iyo hawl-wadeenaddii xalay ka hawl-galay baahintii munaasibadaas qaran ee lagu qabtay madaxtooyadda ee bulshadda ku dhaqan goboladda iyo dalka dibadiisaba u soo gudbinayay munaasibadaasi.

“shacbiga Somaliland meel ay joogaanba waxaan leeyahay Hambalyo munaasibadda 26-ka June awgeed. Munaasibaddan oo ah 52 guuraddii ka soo wareegtay maalintii u horeysay ee calan Soomaali leedahay la qaato. Inkasta calankaasi sidii ay ku bixinay ee midowgii Soomaaliya dhibaatooyin faro-badani inaga soo mareen. Haddana waxa ILAAHAY inagu guuleeyay inaynu dawladnimadeenii gacanteena ku jirto oo masiirkeena iyo dadnimadeenaba aynu haysano,”ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul oo u waramayay Shabakadda wararka ee Somaliland.Org.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay caawana toos u baahin doonaan xaflad dhaqan iyo caways ah oo laga dhigayo Huteelka Crown, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Axmed Xasan Cawke iyo C/Salaan Ibraahim Hereri.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com