Rugta Ganacsiga Oo Xukuumadda Ku Taageertay Wada Hadaladii ay la yeelatay SOomaaliya

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/06/rugta-Ganacsiga1.jpg”>Hargaysa (Somaliland.Org):- Masuuliyiinta rugta ganacsiga Somaliland iyo xubno ka tirsan ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin wada hadalada bilawga ah ee u furmay Somaliland iyo Soomaaliya.

Masuuliyiintan iyo ganacsatadan waxa sidaasi ka sheegeen shir jaraa’id maanta ku qabteen Huteel Hadhanaag ee magaalada Hargeysa. ayaa hoosta ka xariiqeen in ay ku taageersan yihiin madaxweynaha go’aankiisii ahaa in Somaliland ay gaadhay xilligii miis walba oo danta Somaliland taalaba ay tagto oo qadiyadeeda ka sheegto.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Md Maxamed Shukri Jaamac oo ugu horayn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Odayaashii ugu muhiimsanaa ganacsatada Somaliland ayaa wada markaa waxaan halkan ka gudbinaynaa farimo aanu u aragno in ay muhiim yihiin nasiib wanaag maanta (shalay) waxa ay ku beegan tahay 26 Juun, waa maalintii ugu hroaysay ee calanka aynu qaadanay, sidaa awgeed waxaanu hambalyo u diraynaa guud ahaan shacabka Somaliland gaar ahaana ganacstada aanu matalno Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkaasi qaabkii uu u dhacay ee xukuumadda Somaliland ay u daadinaysay ay ganacsatada Somaliland gorowshiiye ka bixisay isla markaana ahaa qaabkii ugu wanaagsanaa ee loo baahan yahay. Sidaa awgeed bogaadin iyo taageero aanu ku taagarayno xukuumad Somaliland aanu la barbar taaganahay,” ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ay u arkaan wadahadlada bilawga ee dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya wadadii lagu helayay aqoonsiga Somaliland, ee beesha caalamka ka sugayso.

Ganacsatade Cali Ibraahim Ciise oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan halkan hadaanu nahay ganacsatadii oo dhamays;tiran, waxaanu halkan taageero buuxda ka siinaynaa shirka Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlayaan, sababta oo ah shirkaa mid mudaro u ahSomaliland maaha ee waa mid ummada u soo kordhinaya in la ictiraafo. Adduunka waxa soomaray dalal badan oo kala go’ay sida Itoobiya, Eriteeriya, Suudaan iyo South Suudaan, wadanadaasi waxa ay ku kala go’een wadadaa aynu maanta hayno wado hore oo ay ku kala go’een ma jirto.
<
Haddii la yidhaahdo yaan la wada hadlin oo midba gidaar cidla ah gaar u taagan yahay cid alaale cid ku og iyo cid ku maqashay midna ma jiro, waxaanu dawlada ku taageeraynaa anagu ganacsato ayaanu nahay meel walba waanu ka ganacsanaa markaa waxaanu dawlada ku taageeraynaa shirkaa ay la galayso Soomaaiya,” ayuu yidhi Cali Balaqbalaq.
waxaanu intaasi ku daray “si aynu horumar balaadhan wadahadalkaa uga gaadhno aynu dawlada ku garab galno wadahadalka ay Soomaaliya la gacalayso oo aanu ku taageerno oo aynu u midaysnaano oo yaynaan xagxaganin, nin Alaale ninkii donayaa Soomaaliweyn wadahadalkaa wuu ka soo horjeedaa, nin alaale ninkii Somailand doonayaa wadahadakaa wuu raacsan yahay sababta oo ah wadahadkaa waxa ka soo baxaya labadaa dal hala kala saaro,” ayuu yidhi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com