Munaasibad Lagu xusayay 52-guuraddii calan-saarkii Somaliland oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/06/26-june22.jpg”>“Waxaanu ku adag nahay oo Aanaan gor-gortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isu taageedda”

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guuradda 52-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay mustacmaraddii Ingiriiska 26-kii Bishii June 1960-kii, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda Somaliland.

Munaasibadaasi waxa ka soo galay Galay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku xigeenkiisii Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka, xisbiyadda siyaasadda, Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan labadda aqal ee baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda),Salaadiin iyo dadweyne lagu soo marti-qaaday. Waxa kale oo goob joog ka ahaa Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo Marwadii Madaxweyne Rayaale Marwo Hudda Barkhad Aadan iyo haween tiro badan oo ka mid ah Ururka haweenka qaranka ee NOW.
< Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacbi-weynaha Somaliland gudo iyo dibadba, waxaanu tafaasiil ka bixiyay qiimaha ay munaasibadda 26-ka June ugu fadhido qaranka Somaliland oo uu tilmaamay inay ahaayeen meeshii ugu horeysay ee Soomaali ah ee xornimo iyo dawladnimo ka qaata Boqortooyada Britain.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayay taariikhdii 26-ka June wuxuu yidhi “Dadweynaha sharafta leh iyo masuuliyiinta qaranka ee munaasibadan iskugu timid iyo inta na dhagaysanaysaba waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaan. Waxaynu u dabaal degaynaa 52 guuraddii ka soo wareegtay 26-kii June 1960-kii xiligaasi oo aynu markii u horeysay ka qaadanay xornimaddii isticmaarkii ama xukunkii Ingriiska ee wakhtigaasi dalka haystay. Mudadaas dheer ee Ingiriisku haystay dhulka waxa Soomaaliddu meel ay joogtaba ku taamaysay inay midowdo oo xoriyadooda qaadato. Waxa jiray wakhti ina soo maray oo dadka Soomaaliga ku hadla oo dhammi ay doonayeen inay midoobaan. Xamaasaddii inagu jirtay wakhtigaasi ayaa ina geyaysiisay inaynu markii aynu xoriyadeena qaadanay inaynu Soomaaliya oo 1-dii July 1960-kii qaadatay xoriyadii aynu nidhi waanu ku darsanaynaa.”

“Dawladda Ingiriisku xiligaasi in badan ayay inala talisay oo ay ina tidhi horta cagaha dhiga oo idinku cagihiina ku istaaga oo dawlad noqda aad hadhow idinku ka tashateenne. Xamaasadii wakhtigaas jirtay iyo wadaniyadii balaadhnayd ee ahayd in Soomaali oo dhan la isku keeno, ayaa inagu aj-buray inaynu nidhaahdo waxaan la midoobaynaa Soomaaliya,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaasi ku daray “Waynu ognahay waxay inagu qaatay wakhti dheer, dhibaato faro-badan ayaa ina soo maray. Halgan dheer ayaynu soo galay. Halgankaasi dheer ee dib u xoraynta way nagii Burco markii u dambaysay kula soo noqonay madax-banaanidda Somaliland.”

Madaxweynaha oo ka hadlayay himiladda dalka ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland wuxuu yidhi “Maanta waxaynu u taagan nahay inaynu dunidda aynu ugu baaqno inay inala shaqeeyaan oo ay ina ictiraafaan. Waxaynu u caddaynaynaa caalamka iyo cid kasta oo ina dhageysanaysa wada hadal ha la galo ama yaan la geline’e danno faro badan ayaa iskaga xidhan Mandaqadda. Dano badan ayaa inagaga xidhan walaalaheena Soomaalia.laakiin waxaanu mar walba ku adag nahay oo aanaan gorgortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isu taageedda.”

“Dabaal-degani wuxuu mar walba inoo noqon doonaa wax mar walba ina xasuusinaya taariikhdii aynu soo marnay.Waxaanu halkan ka cadaynaynaa Somaliland oo maanta dumuqraadiyad iyo xasilooni haysata oo dad isku xidhan oo masiirkooda iyo mustaqbalkooda u midaysan inaanu nahay ayaanu u cadaynaynaa dunidda. ILAAHAY-na waxaanu ka baryaynaa inuu inagu guuleeyo,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Madaxweynaha Somaliland.

Munaasibaddaasi waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumaysa maraaxilkii Somaliland u soo martay xoriyaddii ay ka qaadatay Britain iyo halgankii dib u xoraynta Somaliland, bandhig-faneedkaasi oo uu allifay abwaanka weyn ee Axmed Saleebaan Bidde waxa matelayay Fanaaniinta qaranka.

Waxa halkaasi hees ka qaaday Fanaanka codka macaan ee Cabdi Jaamac (Qoboojiye). Munaasibaddan waxa si toos ah u tabinayay Telefishanadda SLNTV iyo Horn-cable TV waxaana u suurto-gelisay shirkadda SOMTEL oo ka saaciday dhinaca Internet-ka, waxaana si weyn looga daawanayay goboladda dalka iyo wadanka dibadiisaba.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com