Golaha wakiiladda Somaliland oo ansixiyay ajandahooda kalfadhiga 18-aad
Hargeysa (Somaliland.Org)-Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland Somaliland ayaa maanta Cod gacan taag ah ku meel mariyay Qodobada Ajandaha Kalfadhigooda 18-aad.
Fadhigan oo uu shirguddoominayay Ku simaha Gudoomiyaha Golahaasi ahna Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaa ka soo xaadiray Madashii fadhigaasi Shan iyo Afartan Mudane oo ka mid ah Laba Sideetanka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay.
Mudaneyaasha oo loo qaybiyay ajandaha kal fadhiga 18-aad ayaa waxa ogolaaday in 34 Mudane, 3 Mudane ayaa diiday, halka ay 6 mudanena ka aamuseen, sidaas ayaanu ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 18-aad ee golaha wakiiladda Somaliland.
Ajandaha kalfadhiga 18-aad ee ay golaha wakiiladdu saaka ansixiyeen isaga oo dhamaystirana waxa uu ahaa sidan.
1. Xeerka fayo dhawrka hilibka.
2. Xeerka nabad gelyada wadooyinka
3. Xeerka aas aaska komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
4. Xeerka ka ganacsiga hawlaha baanka.
5. Xeerka baanka islaamka
6. Xisaab-xidhka dawlada ee sanadaha 2008,2009,2010
7. Xeerka statistics-ka
8. Wax ka badalka iyo kaabista xeer hoosaadka golaha.
Sidoo kale inta lagu gudo jiro kalfadhiga 18aad ee golaha wakiilada somaliland ayaa waxa lagu eegi doonaa
1. U yeedhista masuuliyiinta qaranka.
2. Ansixinta masuuliyiinta qaranka
3. Iyo wixii kale ee soo kordha.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
