“Xisbiga UDUB murankoodu wuxuu ku saabsan yahay laba fikradood ee qabyaaladi ma jirto”
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UDUB oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.Org)- Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka UDUB, Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada Hargeysa, waxaana ka qeyb galay taageerayaal iyo dadweyne badan oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa kaga hortagay duleedka bari ee magaalada Hargeysa.
Murashax Jamaal Cali Xuseen waxa loo gelbiyay Huteelka Maansoor , halkaasi oo loogu qabtay xaflad balaadhan oo soo dhawayn ah oo ay ka qeyb galeen taageerayaal badan iyo xubno ka tirsan Gudida fulinta ee xisbiga UDUB.
Jamaal Cali Xuseen oo xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa u mahad celiyey taageerayaasha sida diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaa kale oo uu sheegay in uu ka xun yahay khilaafka xisbiga UDUB soo kala dhex-galay.
“Waad la socotaan waxa qaarada Afrika ka socda dhaq-dhaqaaq aad u xoogan oo xaga dhaqaalaha ah isbadaeyn baa ka socda, dad badan oo afrikaana oo dibadaha ka yimid ayaa wadamadoodii dib ugu soo noqdey oo wadamadoodii wax u tarey oo wadamadoodii aad u hagaajiyey, markaa waayo aragnimadeydii aan anigu wadamadaa afrika iyo caalamka ku wareegayay markaan arkey dadkaas wadamadoodii ku soo noqdey oo hogaankii siyaasada ka qeyb qaatey iyo hogaankii siyaasadeed oo isbedaley ayaa fikiray inaan fadhiga ka kaco oo aan is tusay in wadankeygii hiil iiga bahan yahay,” ayuu yidhi Md. Jamaal.
Jamaal Cali Xuseen wuxuu sharaxaad ka bixiyay sababta ay u kala jabeen xisbiga UDUB, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu horeba waan u sheegay oo meesha lacag umaan soo doonan ee waxa weeye inaan wadankayga wax u taro oo dhalinyarada dhinacooda aan ka galo, waad la socoteen oo waanigii geedi socodkeygii siyaasadeed aan kabilaabay waatii ay dhibaatooyin fara badan gudha xisbiga u ka bilaabmey iyo xurguf fara badan kala jabiyey waxaana laysku hayay laba fikradood ee meesha qabyaaladi ma jirin.”
Jamaal oo ka hadlayay qodobadda xisbigoodu isku hayaan wuxuu yidhi “Labada fikradood waxay ahayeen qolo xisbiga ka tirsaneyd oo leh doorashadii madaxweynaha waa tii si xun la inooga guuleystey markaa waxaan u baahan nahay in aynu jiil cusub iyo siyaasad cusub la nimaadno iyo guruub kale oo leh waar anaga ayuun baa meesha joognee hadana waa nakan mar kale, figradahaasi laysku khilaafay waa tii la ogaa halkii laysla marey waana ayaan darro in xisbigu maxkamad laysla galo.”
“Runtii anigu wax aan rabay mey’aheyn isqabqabsi meesha umaan iman waxaan doonayay jiil cusub waji cusub iyo xoog cusub oo waxaan is lahaa odayaashii hore oo marka xilkoodu ka dhamaado in badana ay xisbiga joogeen waa markii ay ogolaan lahayeen inay dadka xisbiga dardar cusub galinkara,” Ayuu yidhi Jamaal Cali xuseen.
Jamaal Cali Xuseen wuxuu shalay ka soo degay madaarka Berbera, isagoo xalayna u hoyday magaaladaasi.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com
