Maamulka Masaajidka Shacabka Burco Oo Ugu Baaqay in laga qeyb galo dhamaysirka masaajidkaasi
Burco (Somaliland.Org)- Maamulka masaajidka weyn ee xaafadda Shacabka Burco ayaa ummada islaamka ah ugu baaqay in ay ka qaybqaataan dhamaystirka masaajidkaasi oo mudo Sagaal Sano ah dhismihiisu ka socday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Masaajidkan oo ah masaajidkii ugu weynaa ee magaaladda Burco laga hirgaliyay oo ka yaala xaafadda Shacabka Burco oo aan waligeed laga dhisin wax masaajid ah ayaa waxa dhamaystirka masjidkaasi la soo daristay dhaqaalo-xumo .
“ Waxaanu halkan kaga hadlaynaa hawshii masaajidku halka ay marayso ,masaajidka dhismihiisii wuu socdaa dad badan ayaana lacago ugu deeqay Ilaahay Habarakeeyee .
,sidaa awgeed masjidkani waa masjid weyn oo Dhawr iyo Toban Baloodh ah ,waxaanu ku yaalaa xaafada shacabka Burco oo aan ilaa mustacmarkii masjid laga dhisin ,markaa waxaan ugu baaqayaa umadda Islaamka ah meelkastoo ay joogaan in ay dhamaystirka masjidka ka qaybqaataan maadaama ayntii hore-ba ka soo qaybqaateen hadana waxaan leeyahay inta hadhayna aynu dhamayno Walaalayaal waayo wax If iyo aakhiro-ba wax la gashado sida diinteenu sheegtay waxa ugu khayr badan masaajidka “ Sidaasi waxa yidhi Shekh Ismaaciil Xule (Madar) oo ka mid ah culimada waaweyn ee gobolka Togdheer oo maamule ka ah dhismaha masaajidkan oo u waramay Shabakadda Somaliland.org.
Sidoo kale waxa uu Sheikhu usoo jeediyay cidkastoo dhaqaale ugu deeqaysa masaajidkani in ay ugu soo hagaajiyaan lambaradda Hoos ku qoran isla markaana waxa uu u duceeyay dad-badan oo h ore masaajidkaasi lacago ugu deeqay oo iskugu jira Rag iyo Dumar kuwaasi oo ilaahay uga baryay in Aakhiro-na janada geeyo ifka-na halkii ay ka soo saareen mid ka badan ugu badelo .
“ Cidkastoo dhismaha masaajidka ka qaybqaadanaysa Rag iyo Dumar waxaanu sheegaynaa in ay lacagtaasi gali-doonto halkii loogu talogalay oo ah masjidka sisaa awgeed lamabrada masaajidka lacagta loogu soo shubayaa waxay kala yihiin .
Account 6868 Dahab-shiil Burco Ama. Zaad 4433087.
Masuuliyiinta Laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer ayaa hore uga hadlay dhismaha masaajidkan isla markaana ugu baaqay umadda islaamka caalamka meelkastoo ay joogaan in ay taageeraan dhamaystirka masaajidkan oo mudo dheer qabyo ahaa balse hada dhismihiisii marka Sedex meelood laga dhigo Laba meelood la dhisay.
Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco
