‘Murashaxiintu Cirro iyo Gaboose uun ma aha Waana laga yaabaa in beeshu soo Jeediso..’

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Wasiirkii hore ee wasaaradda duulista Hawada Somaliland Mr. Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ah ergooyinka ka qeyb galay shirka beelaha Habar-yoonis Jimcihii shalay uga furmay Buurta Daallo ee duleedka Ceerigaabo, ayaa sheegay inay suurto-gal tahay in shirkan lagaga hadlo sidii loo kala reebi lahaa siyaasiyiinta quudaraynaya inay isu soo sharaxaan jagada madaxweynimadda Somaliland.

Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaarada Daakhiliga oo Tababar u xidhay Dambibaadheyaal Boolis ah

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa maanta tababar u soo xidhay dufcad ka tirsan dembi baadhayaasha ciidanka Booliska Somaliland, kuwaasi oo uu muddo 45 maalmood ah tababar uga socday Xarunta Taliska Guud ee Booliska.

Wefti Xukuumadda ka tirsan oo gaadhay Ceerigaabo, kana hadlay shir beeleed ka furmaya magaalada

CEERIGAABO (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo wefti uu hoggaaminayo oo xubno ka yihiin Wasiirka wasaarada Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeyo iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku tageen socdaal shaqo.

Hargeysa: Dadweynaha iyo Dareenkooda Kulankii madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Bulshada Somaliland ayaa dareenno kala duwan kaga fal-celiyay celiyay baaqii afarta qodob ahaa ee khamiistii ay magaaladda Dubia ee xarunta Imaaraadka carabta ay ka soo saareen madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Shariif Sh. Axmed. Ka dib kulan taariikhi ah oo ay isku hor-fadhiisteen markii koowaad muddo ku siman 21-kii sanadood ee Somaliland madax-banaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya.

Salaadiin Ka Dareen Celiyay Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Somalia

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay caawa soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen kulankii maanta Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Imaaraadka carabta.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo u kicitimay Imaaraadka carabta

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal ugu kicitamay Dalka Isutagga imaaraatka Carabta, iyagoo halkaa kaga qayb geli doona wejigii labaad ee wadahadalada Somaliland ay kula xaajoonayso dalka Somalia oo ay xornimadeeda kala soo noqotay 21 sanadood ka hor. waxaana lagu wadaa inay labadda Madaxweyne kulan yeeshaan maalinta Axadda ee fooda inagu soo haysa.

Somaliland’s Foreign Policy: A Daring, Dedicated and Decisive Policy

We live in a dangerous, unpredictable and volatile world. The diplomatic relations between countries cannot always be taken for granted. Due to economic, strategic or security reasons the existing relationships between two countries may change or worsen at any time. Therefore, in this ever-changing geo-political issue as well as global economic and security challenges, to keep pace with the diplomatic relevant matters in the region and beyond, a broad-minded, flexible, well-structured, coherent and solid Foreign Policy with daring and courage ambition is of a paramount importance and vital for a young and yet recognition seeking country, like Somaliland Republic.